Guddida Doorashooyinka Oo Huriyay Khilaafka Garsoorka Iyo Sharcidejinta Ee Doorashooyinka
#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa si addag uga hadlay fasiraad guddida doorashooyinka qaranku u gudbiyeen Maxkamadda Sarre oo la xidhiidha arrimaha khilaafka doorashooyinka.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha wakiillada Cali Xaamud Jibriil oo ka mid ah muddanayaasha gollaha ku metala Xisbiga UCID, ayaa uga digay Maxkaamadda Sarre inay farageliso sharcidejinta.
Guddoomiye Cali Xaamuud oo ay hareera joogaan masuuliyiinta xisbiga UCID, ayaa warbaahinta kula hadlay maanta Magaalada Hargeysa, wuxuuna ka hadlay arrimahaa iyo sababta xalka loogu waayay muddada dheer khilaafka doorashooyinka.
“Guddidu waxay hayaan xeerkii doorashada madaxtooyadda horena waxay u sheegeen inay sagaal bilood ku qabanayaan, laakiin ma hayaan xeer Ururo siyaasadeed, Maxkamaddana waxaan uga digaynaa inay farageliso arrimaha xeerarka iyo sharcidejinta shaqadooda.” ayuu yidhi.
Guddoomiye Cali Xaamuud oo ka hadlaya arrimahaa halkan ka daawo.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com