X

Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Sheegay Inay Soo Saarayaan Jadwalka Doorashada

Xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, Image Araweelo News Network, 24, September 2022.

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka qaranka ayaa kulamo kala duwan maanta la yeeshay Shirgudoonada laba golle ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, kulankaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay oo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn.

Hase yeeshee kulanaka kaddib waxa hadalo kooban ka jeediyay barxada hore ee dhismaha Baarlamaanka Guddoomiye ku xigeenka gollaha wakiillada, isla markaana ah ku sii hayaha xilka guddoomiyaha Siciid Mirre Giire, maadaama uu guddoomiyihii gollaha wakiillada is casilay, isla markaana aannay weli gollaha wakiilladu dooran guddoomiye.

Guddoomiye Siciid Mirre, ayaa warbixin kooban ka siiyay kulankaa warbaahinta, wuxuuna sheegay innay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo cabashooyinkii kasoo baxay diiwaangelinta dhowaan ay sameeyeen iyo kaadhadhka ay qaybiyeen.

Sidoo kale, wuxuu xusay inay guddida doorashooyinka kala hadleen arrimaha muhiimka ah iyo baahida loo qabo doorashooyinka, “Dalku wuxuu u baahanyahay doorasho, doorashada qaranka ayaa leh ee cid gaar ah ma laha, masuuliyadana waxay saarantahay Kommishanka Qaranka, waxaanu ku boorinay inay waajibkooda dastuurka ah gutaan, oo shaqadooda qabsadaan. annaguna golle ahaan wixii ay nooga baahdaan diyaar ayaan u nahay.” ayuu yidhi, Guddoomiye Giire.

Laxidhiidha: Somaliland: Maxkamadda Dastuuriga Ah Oo Soo Saartay Jawaab Wejigabax Ku Ah Guddida Doorashooyinka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, Muuse Xaaji oo warbaahinta kula hadlay barxada dhismaha Baarlamaanka, ayaa sheegay innay la tashiyo samaynayaan, isla markaana soo saarayaan jadwalka doorashada, balse ma sheegin doorashada ay soo saarayaan jadwalkeeda innay tahay doorashada Madaxtooyadda iyo innay tahay doorashadda Ururrada Siyaasadda iyo axsaabta, wallow aannay jirin ilaa xilligan doorasho laysku raacsanyahay.

Laxidhiidha: Somaliland: Xilliga La Qorsheeyay Doorashada Oo Madaxweyne Biixi Shaaciyay 

Laxidhiidha: Guddida Doorashooyinka Oo Kiciyay Duufaan Siyaasadeed Iyo Khilaaf Huursanaa Oo Galaafankara

Guddida Doorashooyinka, ayaa sidoo kale la kulmay axsaabta qaranka, kuwaas oo sheegay innay ka wadahadleen arrimaha sida weyn loogu murransanyahay ee doorashooyinka.

Laxidhiidha: Guddoomiye Cali Xaamuud Oo Maxkamadda Sarre Digniin U Diray

Guddida doorashooyinka, ayaa dhowaan qoraal soo kiciyay khilaafka huursanaa, waxayna Maxkamadda dastuuriga ah u gudbiyeen qpraal ay kaga dalbadeen fasiraad labada doorasho midda soo horaynay, iyadoo maxkamaddu jawaab deg deg ah ka bixisay, isla markaana u sheegtay innay waajibkooda gutaan, isla markaana fahmaan shaqadooda oo ay raacaan sharciyada tilmaamaya shaqadooda, taas oo lagu dhaliilalay guddida doorashooyinka qaranka, isla markaana muujisay in aannay ahayn kuwo dalka gaadhsiinkara doorashooyinka laga sugayo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post