#Araweelo_News_Network.
Garoowe(ANN)-Guddida Doorashooyinka maamul gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay natiijida hordhaca ah ee doorashooyinka oo aannay ku jirin saddexda degmo.
Degmooyinka aan laga codayn ayaa kala ah, Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Nugaal.
Daagaamadaa oo ahaa kuwa ugu muhiimsan ayaa loo hakiyay sababo la xidhiidha arrimo amni, kaddib markii khilaaf gacan ka hadal ah oo sababay dhimasho iyo in la burburiyo agabkii doorashada ay ka dhaceen.
Hase yeeshee degmooyinka kale ee laga codeeyay Khamiistii 25 May 2023, waxay guddida doorashooyinku soo saareen hordhaca natiijada doorashada, iyadoo ay meelaha doorashada laga sameeyay ku jiraan deegaamo raacsan xuduuda Somaliland, waxaana ka qayb galay toddoba urur siyasadeed.
Laxidhiidha: Puntland: Doorashooyinka Oo Hakad La Geliyay Deegaamo Xuddun U Ahaa kaddib Rabshado Hadheeyay
Waxa loo qorsheeyay inay ka soo baxaan 3 urur, kuwaasoo noqon doona xisbiyo siyaasadeed, waxayna kala yihiin todobada urur:
- Mustaqbal , guddomnmiye Maxamed Ismaaciil Siibad oo ka tirsan baarlamaanka Puntland.
- Mideeye, guddoomiye Daahir Xaaji Khaliif, waxaana siyaasiyiinta ku jira ururkan ka mid ah Gen. Asad Cismaan Diyaano.
- Kaah, guddoomiye madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
- Sincad, guddomiye Maxamuud Khaliif Jebiye .
- Runcad, guddoomiye Cismaan Gamuure.
- Ifiye, guddoomiye Maxamed Cabdulqaadir
Shaqaalaha, guddoomiye Cabdirashiid Sheekh Maxamuud.
Natiijada hordhaca ayaa ah sidan:-
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com