X

#Garoowe Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Karaash Oo Qaatay Mawqif Ka Cadhaysiisay Deni

Deni iyo Axmed Karaash

#Araweelo_News_Network.

Garoowe(ANN)-Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa taageeray Go’aankii isimada SSC-Khaatumo  kaga baxeen ka mid ahaanshaha Puntland, isla markaana meesha ka saaray innay dadka Sool ku yeeshaan maamulkaa xubno ku metela.

 

Axmed Karaash oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ee Garoowe, ayaa sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu kaga hadlay mawqifkiisa la xidhiidha arrintaa.

 

Wuxuuna ku biilabay qoraalkiisa sidan:-

“Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.

Markaan tixgaliyey go’aankii  kasoo baxay gollaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December.

Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49, iyadoo la xaqdhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada  deeganadaas.

Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen. Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni.”ayuu ku yidhi, qoraalka uu kaga hadlay mawqifka uu ka qaatay arrintaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post