Arrintan oo noqotay dhaqan cusub oo kusoo biiray siyaasadda in Guddoomiyihii aasaasay Ururka oo dalka ka maqan dhawr qof oo dhalinyaro ah sheegtaan innay ka qaadeen hoggaankii Ururka, taas oo noqotay dhacdo cusub oo ay si weyn Bulshadu su’aalo isaga weydiisay, isla markaana suurtagalnimadeeda ay calaamatu su’aal saarantahay.
Hase yeeshee Prof, Axmed Ismaaciil Samatar oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa si dadban uga hadlay arrintaa, isagoo jeediyay hadal miisaan weyn oo garnaqsi, guubaabo iyo hogga-tusaalayn uu ku muujiyay wixii u qorshaysnaa Ururkiisa Hilaac iyo mawqifkiisa xilligan ee ugu danbeeya.
“Annigu waxaan go’aansaday in Ururka Hilaac aannu ka qaybgelin tartanka doorashooyinka ee November 2025.” ayuu yidhi, Prof. Samatar, oo waraysi siiyay Telefishanka HCTV, isagoo ku sugan xafiiskiisa Jaamacadda uu wax ka dhigo ee Cariga Maraykanka, gaar ahaan Saint Paul.
Prof. Samatar, wuxuu muujiyay qaabka uu hankiisii siyaasadeed iyo mustaqbalkii uu la doonayay dadkii ugu waayay fursad iyo albaab sharci si uu Ururkiisu uga qaybgalo doorashooyinka, isla markaana wuxuu muujiyay sawirka xilligan doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadda Somaliland ee dadkiisa uu la doonayay, isagoo tilmaamay in Ururka Hilaac hadafkiisu yahay in Bulshada Somaliland ee uu jecelyahay loo jiheeyo mustaqbal ifaya oo looga saaro qabyaalada, kala qaybinta iyo dhibaatooyinka dhaqaale, ama addeegyada aasaasiga ah. laakiin nasiibdaro ayuu yidhi, “Dadkayaga waxaan u sheegaynaa taageerayaasha Hilaac in albaabadii nalaga xidhay oo meel aannu idiin soo maraa aannay jirin, mana rabno doorashooyin aan sharci ahayn oo sharcidaro ah in aannu ka qaybgalo, waana sababta aan mawqifkayaga ugu adkaysanay”
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Hilaac, wuxuu farriimo u kala diray shacbiga gobollada dhexe, Biurco, Togdheer, Berbera, Ceergaabo, Hargeysa, isagoo tilmaamay in aannay la’aantood Somaliland soconayn, laakiin loo baahanyahay Somaliland la wada leeyahay, sidaa awgeed dhacdada uu xilligan la kulmay ay ku tahay mid madaw oo aan ka go’ayn xusuustiisa.
Dhinaca kale, Prof. Samatar oo si dareen qiira ah ka muuqdo shucuurtiisa looga arakayo, ayaa tilmaamay sida uu dadkiisa iyo dalkiisa u jecelyahay ee aannu marnaba Somaliland wanaageeda iyo dadka uu la kulmay ee Bulshada caadiga ah, Jaamacaddaha dalka, iyo gebi ahaan gobollada wanaaga uu ku arkay aannay marna xusuustiisa ka go’ayn.
Hadalkiisa wuxuu ku xusay weedhihii AHN saaxiibkii Prof. Cali Khaliif Galaydh oo xaqii u yimi, isagoo halku-dheg siyaasadeed u qaatay “waxa loo baahanyahay Somaliland la wada leeyahay” , wuxuuna Prof Samatar sheegay in arrintaa xusuusta saaxiibkii maanta si fiican u hortimi, balse wuxuu u rajeeyay dadka Sool in uu rajaynayo in mustaqbalka Somaliland cadaalad iyo wanaag hesha laysugu laaban doono.
Prof. Axmed ismaaciil Samatar, wuxuu sidoo kale, farraiin u diray dadka Awdal, Salal iyo Gebilay, isagoo sheegay in tabashadooda aannay ahayn mid laga garaabay, balse uu marwalba doorkiisa ka qaadanayo sidii ay iyaguna xaqooda u heli lahaayeen ee tabashadooda loo dhaahin lahaa.