#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadal dardaaran ah u jeediyay madax-dhaqameedka Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi u magcaabay xalinta mushkilada Laascaanood.
Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayay kulan ballaadhan oo maanta lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda, wuxuu sheegay in marka la helo tabashada reer Sool xal loo helayo, balse wuxuu xusay in Garaadaddu afka xidhteen oo aannay sheegin tabashadooda, sidaa awgeed wuxuu ku booriyay in ay hadlaan oo sheegaan tabashada, isagoo xusay in dadkii hadali lahaa ee ka hadli lahaa tabashada ay iyagu hor taagan yihiin.
Guddoomiye Saleebaan, ayaa sidoo kale sheegay in aannay Somaliland ka maarin, horena uga maarmin xilligana ka maarmayn, sidaa awgeed wuxuu yidhi, “Somaliland horena ugama maarmiin reer Sool, hadana ka maarmimayso, Sool-na Somaliland kama maaranto ee waa inayu xal helaa.” ayuu yidhi.
Muuqaalkan Ka Daawo
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com