X

Farmaajo Iyo Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Isku Khilaafay Xaaladda Siyaasadeed Iyo Mucaaradka Oo Loo Fasaxay Mudaharaadka

Araweelo News Network.

Khilaafka Xiisadda Soomaaliya Oo Ku Laabatay Halkeedii

Muqdisho(ANN)-Khilaafka Soomaaliya oo cirka isku shareeray mar kale iyo Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble oo ugu danbayntii is khilaafay.

ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Image File Araweelo News Network.

Ra’iisal wasaare rooble, ayaa fasaxay mudahaardkii kooxda la baxday midawga murrashaxiinta oo hakiyay Jimhcihii lasoo dhaafay.kaddib kulan ay wada yeeshee koxodaa iyo rooble.

 

 

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon” ayaa lagu yidhi, warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Waxa kale, oo lagu xusay in bilowgii, Xukuumaddu u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadium,  si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 .

Balse waxa lagu sheegay qoraalka in markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaadhay ay ogolaatay dalabkoda daljirka dahsoon.

 

Warsaxaafadeedka, ayaa gebagebadii lagu fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadka in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada Gafuur-xidhka, isla markaana ay kala fogaadaan.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post