X

Ethiopia: Damaca Badda Cas, Dareenka Cadhada Ah Ee Eritrea Iyo Xiisadda Gobolka

president of Eritrea Isaias Afwerki, Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo and Ethiopian PM Abiy Ahmed.

#Araweelo_News_Network.

 

Ethiopia: Damaca Badda Cas, Dareenka Cadhada Ah Ee Eritrea Iyo Xiisadda Gobolka

 

Asmara (ANN)-Xiisadda sii kordhaysa ee Badda Cas iyo damaca Ethiopia oo shaki geliyay dalalka gobolka, kaddib markii Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed Baarlamaanka ka jeediyay toddobaadkii hore khudbad dheer oo ka turmujay rabitaanka dalkiisa iyo baahida uu qabo ee deked la’aanta.

 

Dalalka Somaliland iyo Somalia, ayaa jawaabo kooban ka bixiyay hadalka Ra’iisal wasaare Abiy Axmed, balse dawladda Eritrea ay xullufo ku ahaayeen dawladda Federaalka Ethiopia dagaalkii Tigray ee TPLF, ayaa jawaab addag ka bixisay hadalka Abiy.

Laxidhiidha: Dalalka Eritrea iyo Ethiopia,Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Dagaal Dhexmaro

 

Abiy iyo Aferweki ayaa heshiis ku ahaa duulaanka Tigray, balse natiijadda dagaalku waxay sababay in xullufanimadooda madmadaw soo dhexgalo, markii ciidamadda Ereteria diideen innay ka baxaan gobolka Tigray.

Khilaafka labada dhinac iyo damaca Ethiopia eek u waajahan Badda Cas oo aannay ka madhnayn Eritrea, ayaa loo arkaa mid sabab u noqon kara in xaalladu faraha ka baxdo Ethiopia iyo  Eritrea, taas oo horseedikarta dagaal ku jihaysan gobolka haddii aan si degdeg ah loo maarayn.

 

Wasaaradda Warfaafinta Ereteria ayaa ka hadashay, iyadoo adeegsatay weedho kooban oo xanbaarsan miisaan weyn.

“Hadallada kuwa dhabta ah iyo kuwa la malaynayo ee ku saabsan biyaha, gelitaanka Badda, iyo mawduucyada la xidhiidha ee sabbaynaya wakhtiyadii dhowaa waa kuwo tiro baddan oo xad-dhaaf ah runtii. Arrintu waxay jahawareer gelisay dhammaan goobjoogayaasha ay khusayso.”

 

Jawaabta ayaa lasii raaciyay, “Haddii ay dhacdo, dawladda Ereteriya waxay ku celcelinaysaa in aan sidii horeba loo yeeli doonin, luuqyadan iyo gogol-xaadhkan. GOE waxa kale oo ay ku boorinaysaa dhammaan dadka ay khusayso in aannay ka cadhaysiin dhacdooyinkan.” Ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeed kooban oo dawladda Eritrea kaga jawaabtay damaca Ethiopia.

 

Dhinaca kale, Martin Plaut oo ah Suxufi iyo qoraa caan ah oo hore uga soo shaqeeyay BBC World Service qaybteeda Afrika oo uu ka noqday Tafaftire, xilligana ku foogan arrimaha Bariga Afrika iyo Koonfur Afrika,  ayaa wax ka qoray arrintan, isagoo  marka laga tago bayaanka damaca Ethiopia ee Ra’iisal wasaare Abiy ka jeediyay Baarlamaanka dalkiisa oo soo xiganaya ila-wareedyo uu sheegay in aan la hubin  ku ogaaday Masar oo waddankii ugu dambeeyay u soo dhawaaday innay isku dayaan inay dejiyaan xiisadda u dhaxaysa Asmara iyo Addis.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka  Eritrea ayaa dhamaadkii todobaadkii hore u gudbiyay Madaxweynaha Masar warqad ka timid dhigiisa Eritrea. Waxaa la rumaysan yahay in warqadda ay ku jirtay cabashada  Eritrea ee ka dhanka ah Ethiopoa iyo gaar ahaan baaqyada RW Abiy ee ku aaddan in ay sheegato dekedda Badda Cas.

Laxidhiidha: Ethiopia Oo Damaceeda BaddaCas Kusoo Bandhigtay Shirka Amniga Ee Munich

 

Wuxuu sheegay in ila-wareedyadu sheegayaan in Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry wada hadal la yeeshay dhiggiisa Eritrea Osman Saleh iyo la taliyaha madaxweynaha Eritrea ee arrimaha siyaasadda Yemane Gebreab.

Waxa ay muuqatay in ku dhawaad ​​hal sano uu sii xumaanayay xidhiidhka ka dhexeeya labada xulafaysi ee hore.

 

Faallooyinka Abiy ee ku saabsan Badda Cas oo si xun ugu dhacaysa Asmara.  Eritrea waxay si tartiib ah u canaanatay ra’iisal wasaaraha waxayna tidhi hal-ku-dheggu waa mid ” xad dhaaf ah” oo aad ugu weyn, Eritrea ayaa weli ah heshiiska nabadda ee Pretoria.

 

Eritrea waxay aaminsantahay in heshiiskaas uu ka danbeeyay Maraykanka, oo loogu talagalay in lagu badbaadiyo kooxda TPLF. asmara waxay door bidday guud ahaan dhiibista TPLF. Ethiopia waxay dareensan tahay in ay ka xuntahay in Eritrea ay sii wado in ay ciidamadeeda ku sii hayso qaybo ka mid ah gobolkaTigray.

 

waxayna dareensan tahay in tani ay ugu dambeyntii burburin karto heshiiskii Pretoria, ayuu yidhi, qoraaga Martin Plaut.

 

Bilowgii iskahorimaadka Amxaarada ee August 2023, waxaa jirtay cabsi laga qabo in Eritrea ay si toos ah ugu lug yeelato. Tani ma dhicin sababo kala duwan. Wali walaac ayaa ka jira Ethiopia oo ku saabsan “faragelinta” ee  Eritrea.

 

RW Abiy iyo Madaxweyne Isaias waxay ahaayeen xulafo xooggan. waxay wali dib u soo noolayn karaan saaxiibtinimadoodii waxayna heli karaan dariiq laga wada xaajoodo oo Addis u sahla innay helaan marin badeed oo ay si wanaagsan u maareeyaan nabadda Tigray. Taasi waxay keenaysaa wada hadal daacad ah oo midba midka kale ka dhexeeyo, oo aan la isku dhufan midba midka kale.ayuu ku yidhi, qoraalkiisa Martin Plaut.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post