X

Erdogan: Madaxweynaha Turkiga Oo Dalbanaya In Lasiidaayo Maxaabiista Yuhuuda Ee Xamaas Qabsatay

Turkey's President Recep Tayyip Erdogan (Photo by AFP)

#Araweelo_News_Network.

Istanbul (ANN)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bilaabay hannaan wada xaajood ah oo uu la yeelanayo Xamaas si loo sii daayo la haystayaasha Israa’iil ee ay qafaasheen mintidiinta Falastiiniyiinta,

Sidaa waxa sheegtay Arbacadii wakaaladda wararka ee  AFP, iyadoo soo xiganaysa ilo rasmi ah.

 

“Waxay ka wada xaajoonayaan sidii loo sii dayn lahaa la haystayaasha,” ayaa lagu yidhi warkan, isagoo xaqiijinaya  warbixin uu baahiyay TV-ga gaarka loo leeyahay ee Haberturk.

 

Tobbaneeyo  qof ayaa la qafaashay intii uu socday weerarka lama filaanka ah ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil, balse tirada dadka ay Xamaas iyo Jihaad qabsadeen ayaan si dhab ah loo ogayn tiradooda rasmiga ah, iyadoo xukuumadda Yuhuudu tirada dadkaa oo ay sheegtay innay u kala dhasheeen dhawr waddan iyo trada dhimmashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkii Xamaas si weyn u buunbuunisay, taas oo loo fasiray innay marmarsiiyo uga dhigaysay jawaabta ay bixinay ee aargoosiga ah.

 

Madaxweynaha Turkiga, wuxuu soo bandhigay in uu dhex dhexaadiyo sidii nabadda loo soo celin lahaa, xaalladda ayaa waxa uu sii kordhinayay wada hadalada uu la leeyahay dhiggiisa Bariga Dhexe, sida lagu sheegay warbixinta.

 

Gelinkii dambe ee Arbacadii waxa uu la hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

 

Waxay soo xigatay Erdogan isagoo ku hadlaya magaca Turkiga, “waxaan diyaar u nahay inaan sameyno wax walba oo awoodeena ah”, oo ay ku jiraan dhexdhexaadinta iyo “garqaad cadaalad ah” si loo dhameeyo khilaafka si degdeg ah.

Dhinaca kale, Duqaymaha aan loo meel deyin ee Israel, ayaa ku socda Qaza maalintii lixaad, iyadoo xaaladdu kasii daray, isla markanaa gebi ahaanba la goddoomiyay oo aannay jirin Biyo, Laydh, Cunto iyo dawooyin, waxayna xukuumadda Yuhuuda ee Israel diiday in la helo dariiq la mariyo gargaarka si loogu gurmado shacabka Falastiin ee ay godoomisay oo weli ay ku sicdaan duqaymaha.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post