#Araweelo_News_Network.
Istanbul (ANN)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bilaabay hannaan wada xaajood ah oo uu la yeelanayo Xamaas si loo sii daayo la haystayaasha Israa’iil ee ay qafaasheen mintidiinta Falastiiniyiinta,
Sidaa waxa sheegtay Arbacadii wakaaladda wararka ee AFP, iyadoo soo xiganaysa ilo rasmi ah.
“Waxay ka wada xaajoonayaan sidii loo sii dayn lahaa la haystayaasha,” ayaa lagu yidhi warkan, isagoo xaqiijinaya warbixin uu baahiyay TV-ga gaarka loo leeyahay ee Haberturk.
Tobbaneeyo qof ayaa la qafaashay intii uu socday weerarka lama filaanka ah ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil, balse tirada dadka ay Xamaas iyo Jihaad qabsadeen ayaan si dhab ah loo ogayn tiradooda rasmiga ah, iyadoo xukuumadda Yuhuudu tirada dadkaa oo ay sheegtay innay u kala dhasheeen dhawr waddan iyo trada dhimmashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkii Xamaas si weyn u buunbuunisay, taas oo loo fasiray innay marmarsiiyo uga dhigaysay jawaabta ay bixinay ee aargoosiga ah.
Madaxweynaha Turkiga, wuxuu soo bandhigay in uu dhex dhexaadiyo sidii nabadda loo soo celin lahaa, xaalladda ayaa waxa uu sii kordhinayay wada hadalada uu la leeyahay dhiggiisa Bariga Dhexe, sida lagu sheegay warbixinta.
Gelinkii dambe ee Arbacadii waxa uu la hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Waxay soo xigatay Erdogan isagoo ku hadlaya magaca Turkiga, “waxaan diyaar u nahay inaan sameyno wax walba oo awoodeena ah”, oo ay ku jiraan dhexdhexaadinta iyo “garqaad cadaalad ah” si loo dhameeyo khilaafka si degdeg ah.
Dhinaca kale, Duqaymaha aan loo meel deyin ee Israel, ayaa ku socda Qaza maalintii lixaad, iyadoo xaaladdu kasii daray, isla markanaa gebi ahaanba la goddoomiyay oo aannay jirin Biyo, Laydh, Cunto iyo dawooyin, waxayna xukuumadda Yuhuuda ee Israel diiday in la helo dariiq la mariyo gargaarka si loogu gurmado shacabka Falastiin ee ay godoomisay oo weli ay ku sicdaan duqaymaha.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com