#Araweelo_News_Network

Washington (ANN)-Xoggo sir ah oo laga helay xafiisyada Madaxweynaha la doortay ee mMaraykanka xilligii uu olollaha doorashada uu ku jiray ayaa lagu arkay dookmintiyo sheegaya in Madaxweyne  Donald Trump uu aqoonsan doono Somaliland 100 maalmood ee uugu horreeya muddo xileedkiisa.

 

Waa Maxay Muhiimadda Weyn Ee Ay Somaliland U Leedahay Maraykanka iyo Reer Galbeedka?

Muhiimadda uugu weeyn ee maraykanka iyo xulufadiisa reer galbeedku ay ka leeyihiin Somaliland, ayaa ah la socoshada iyo ilaalinta gacanka cadmeed, si loo ilaaliyo masaaliixdooda millateri, siyaasadeed iyo ganacsi ee badda cas, iyo marinka Baab Al-Mandab.

Labadii sano ee dumbeeyay xuutiyiinta  dalka Yemen ayaa kala xidhay shixnadaha ganacsi ee caalamka u kala goosha iyagoo ugaadhsanaya maraakiibta waddamda reer galbeedka ah ee xidhiidhka ganacsi la leh dowadda yahudda ee israa’iil. arrintan ayaan ka dhigaysa Somaliland u arkaan meel muhiim u ah.

Ma jirto dibloomaasiyad qaan gaadh ah oo ay dowladda f Federaalka Somalia ay kaga hortagayso damaca uu Marayanku ku rabo inuu ku kala gooyo jamhuuriyadda Federaalka ah ee soomaaliya. sidoo kale waxaa jira dibloomaasiyad xoog badan oo ay somaliland ciyaarayso iyadoo iibinaysa qaddiyaddeeda gooni goosadka ah, isla markaasina ka faa’iidaysanaysa is beddellada juqraafi siyaasadeed ee ka jira Gobolka iyo caalamka , gaar ahaan mandiqadda Gacanka cadmeed iyo Bariga dhexe.

Asbaabaha aan kor ku soo xusnay ayaa ka dhigaya Somaliland inay noqoto goobaha muhiimka u ah Madaxweeynaha  la doortay Donald Trump sida lagu  ogaaday dookmintiyo sir ah oo laga helay xafiiska madaxweeynaha la doortay ee Donadl Trump muddadii uu ahaa murashaxa madaxwerynaha.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah khuburadda falanqeeya siyaasadda caalamka ayaa ku dooday in madaxweeyne Donald Trump uu xoogga saari doono arrimaha guddaha ee Maryanka oo keliya , isagoo ka duulaya hal ku dheggiisa caanka ahaa ugu Horrayn Maraykanka (America First)   iyagoo sheegay in aannu wax fara gelin ah ku samayn doonin qaaradda Madow ee Afrika, iyo waddmada kale ee caalamka. Madaxweynaha la doortay ee marayakanka ayaa ku eedayn jiray Madaxweyne Joe Biden inuu dalka maraykanka iyo adduunka Geliyey dagaallo micno darro ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha la doortat ee Donald Trump waa shakshi aad u taageera israa’iil wuxuuna sameeyey tallaabooyin Taariikhiya oo aannay madaxdii hore ee Maraykanka soo maray horay u samayn, waxaana lagu xasuustaa tallaabadii uu sannadkii 2017 ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda rasmiga ah ee dowladda Israa’iil, isagoo u soo raray safaarddii maraykanka magaalada barakaysan ee Qudus iyo sidoo kale, heshiiskii abraham Code ee dalalka Carabta qaarkood saxeexeen, kaas oo ahaa in Israel nabad lagula noolaado oo meesha laga saarao cadaawada guunka ah ee dalalka Carabta iyo Israel.

 

Author: Dr. Ahmed Hassan Salah, Compiled and Edited by: Arraale M Jama.
Published by Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published past on the Araweelo News Network.