X

Djibouti Madaxweyne Geelle Maxay Ka Wadahadleen Wefdi Ka Socda Dalka Ethiopia

Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayo Aadan Faarax oo ah Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee Ethiopia, 6 April 2023,Image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

 

 

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti heer sare ah oo ka socda dawladda Ethiopia.

 

Wefdigaa oo uu hoggaaminayo Aadan Faarax oo ah Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo-sooranka ee Ethiopia iyo masuuliyiin kale.

Lama ogga ujeeddada dhabta ah ee booqashada, balse war kooban oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Geelle, ayaa lagu sheegay in booqashada wefdiga Ethiopia la xidhiidho sidii ay wada tashi uga yeelan lahaayeen arrimaha danta guud ee labada dal.

Wadahadalladan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta RN1, Jidka  isku xidha Djibouti iyo Ethiopia , iyo baahida loo qabo in la kordhiyo iskaashiga ka dhexeeya adeegyada kastamka ee ka hortagga tahriibka.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka kooban ee dhinaca Madaxtooyadda Djibouti.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in Wadahadallada lagu soo qaaday doorka Djibouti ee dhexdhexaadinta khilaafka u dhexeeya Ethiopia, Suudaan iyo Masar ee ku saabsan biyo xidheenka weyn ee Renaissance Dam (GERD), kaas oo muddo dheer murrankiisu hadheeyay mandaqada.

Dhinaca kale, booqashada wefdiga Ethiopia  ayaa kusoo beegantay, iyadoo ay deegaamada Sitti ee Soomaalida ay ka jiraan dagaalo soo noqnoqday oo u dhexeeya qowmiyaddaha Canfarta iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo weliba barakac, isla markaana sannadihii u danbeeyay ka taagnaa deegaanka Sitti ee Soomaalida oo dhaca Waqooyiga galbeed ee dalka Ethiopia.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post