X

Dawladda Ethiopia Iyo Midawga Yurub Oo Heshiis Kala Saxeexday

#Araweelo_News_Network.

 

Addis Ababa (ANN) Dalalka ku jira Naadiga Midowga Yurub ayaa Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia ugu deeqay dhaqaalle gaadhaya taageero maaliyadeed oo ku kacay 650 Milyan EUR, oo u dhiganta $682,987,500.00, taas loo qorsheeyay horrumarinta Barnaamijyada sannadaha badan.

 

Wasiirka Maaliyadda dawladda Federaalka Ethiopia Axmed Shide iyo Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub Jutta Urpilainen lapset, ayaa wadajir u saxeexay heshiiska Axaddii 4 Oct, 2023, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen safiirrada xubnaha Midowga Yurub ee deggan caasimadda Addis Ababa ee Ethiopia.

 

Haweenayda guddoomiyaha Midawga Yurub, lapset, ayaa hadal ay jeedisay intii ay socotay xafladda lagu saxeexay heshiiska waxay sheegtay in daah-furka barnaamijkan uu muujinayo rabitaanka Midowga Yurub ee ku waajahan in dalka Ethiopia iyo dawladdiisu ay baxdo colaaddaha soo noq nqoday, isla markaana ay xukuumaddu hesho fursad ay kor ugu qaado dadaalkeeda horumarineed.

 

Ethiopia ayaa wax-soo-saarkeeda ka sokow waxay si weyn ugu tiirsantahay dhaqaallaha ay dalalka reer galbeedku ku caawiyaan oo dhinacyo baddan ah, balse markii dagaaladu ka dhaceen sannadihii lasoo dhaafay waxa la joojiyay dhammaan taageeradii dhaqaale ee dhanka Midawga Yurub iyo Maraykanka, taas oo ahayd caddaadis la doonayay in dawladda ra’iisal wasaare Abiy Ahmed lagu cadaadiyo si loo soo afjaro collaadaha iyo dagaalada dhiiga baddan ku daatay ee u dhexeeyay xukuumadda Federaalka Ethiopia  oo taageero millateri ka helaysay dawladda Ereteria iyo dagaalyahanka Tigray ee TPLF.

 

Heshiiska, ayaa kusoo beeganaya xilli ay dawladda Federaalka la tacaalayso dhaqaale xumo soo waajahday kaddib collaaddo sannado socday iyo dhibaatooyin kale oo caqabado dhinacyo baddan leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin cudurka daacuunka oo dillaacay deegaamo ka mid ah dalka iyo dhibaatooyin qaxootiga kusoo qulqulaya ee kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka ay jaarka yihiin ee Suudaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post