X

 Dawladda Britain Oo Madaxweyne Biixi Dood Ballaadhan Kala Yeelatay Doorashooyinka Iyo Arrimo Kale

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Safiirka Dawladda Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis iyo masuuliyiin kale oo ka socday dawladda Britain, ayaa booqasho ku yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna  kulan albaabada loo xidhay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Mike Nithavrianakis, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Cabdi uu la yeeshay dood kale oo ballaadhan, taas oo sida uu xusay lagaga hadlay arrimo baddan.

Qoraal kooban oo Ambassador Mike Nithavrianakis ku baahiyay bartiisa “X” (ex-Twitter), wuxuu ku shaagay in booqashadiisa xilligan ay tahay tii shannaad ee uu ku yimaado Hargeysa, muddo ka yar tobban bilood.

 

“Madaxweyne Biixi, waxan la yeeshay dood kale oo ballaadhan, waana Booqashadii shannaad ee aan Hargeysa ku imaado, muddo tobban bilood ka yar.” ayuu yidhi, Ambassador Mike.

Wuxuu sheegay innay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinku sidii ay u qabsoomi lahaayeen November 2024, iyo sidoo kale xorriyada saxaafadda, isagoo xusay in dabcan ay Madaxweyne Biixi ka wada hadleen arrimaha gobolka.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo hadda taagan, oo ay ka mid yihiin muhiimadda ay leedahay doorashadu innay qabsoonto bisha November, xorriyadda saxaafadda iyo arrimaha gobolka” ayuu qoraalkiisa kooban ku yidhi, Ambassador Mike.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post