#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Safiirka Dawladda Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis iyo masuuliyiin kale oo ka socday dawladda Britain, ayaa booqasho ku yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna kulan albaabada loo xidhay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
Mike Nithavrianakis, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Cabdi uu la yeeshay dood kale oo ballaadhan, taas oo sida uu xusay lagaga hadlay arrimo baddan.
Qoraal kooban oo Ambassador Mike Nithavrianakis ku baahiyay bartiisa “X” (ex-Twitter), wuxuu ku shaagay in booqashadiisa xilligan ay tahay tii shannaad ee uu ku yimaado Hargeysa, muddo ka yar tobban bilood.
“Madaxweyne Biixi, waxan la yeeshay dood kale oo ballaadhan, waana Booqashadii shannaad ee aan Hargeysa ku imaado, muddo tobban bilood ka yar.” ayuu yidhi, Ambassador Mike.
Wuxuu sheegay innay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinku sidii ay u qabsoomi lahaayeen November 2024, iyo sidoo kale xorriyada saxaafadda, isagoo xusay in dabcan ay Madaxweyne Biixi ka wada hadleen arrimaha gobolka.
“Waxaan ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo hadda taagan, oo ay ka mid yihiin muhiimadda ay leedahay doorashadu innay qabsoonto bisha November, xorriyadda saxaafadda iyo arrimaha gobolka” ayuu qoraalkiisa kooban ku yidhi, Ambassador Mike.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com