X

Dalalka Eritrea iyo Ethiopia,Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Dagaal Dhexmaro

president of Eritrea Isaias Afwerki, Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo and Ethiopian PM Abiy Ahmed.

Ra’iisal Wasaare Abiy Oo Guuldaro Kala Soo Laabtay Midawga Yurub

 

#Araweelo_News_Network.

 

 

Brussels (ANN)- Dalalka Eritrea iyo Ethiopia, ayaa la filayaa inuu dhexmaro dagaal qadhaadh, taas soo ifbaxday kaddib booqashadii Ra’iisal wassaaraha Ethiopia Abiy Axmed dhowaan safar ku tegey dalka Faransiiska iyo caasimadda midowga Yurub ee Brussels.

 

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa booqashadiisa ku doonayay sidii dalkiisa wax loogala qaban lahaa Kaddib markii ay dhaqaalo xumo baahsani ay soo foodsaraty dalka Ethiopia, iyadoo lacagtii Birr-ta Ethiopia  si weyn hoos ugu dhacday, sidaa awgeed Midowga Yurub ay dhaqaalo ahaan dalkiisa Ethiopia u caawiyaan.

 

Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha qorshihisa hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa u sheegay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia in aannay ku caawin doonin wax dhaqaalo ah illaa uu gobolka Tigray ka saaro Millateriga Eritrea.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo dareensan culayska ay arrintani leedahay ayaa codsi u diray dowladda Eritrea wuxuuna u sheegay inay ciidankeeda Millateriga kala baxdo guddaha Ethiopia gaar ahaan Gobolka Tigray.

 

Hase yeeshee, wararka la xidhiidha dalabkiisa, ayaa sheegaya sida ay shabakaddaha Araweelo News Network oggaatay in Eritrea arrintaa diiday, iyadoo u sheegtay Ra’iisal wasaare Abiy in ciidamo baddan kaga dhinteen guddaha Ethiopia,  sidoo kale Hanti baddan ay kaga burburtay dagaalkii ay ku gashay gudddaha dalka Ethiopia, illaa magdhow laga siiyo aannay ciidankeeda kala baxayn.

 

Jawaabta dawladda Ereterea ka bixisay dalabka Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, balse Abiy Axmed, ayaa markaa kaddib la hadlay warbaahinta, isagoo dadkisa u sheegay in Ethiopia ay marayso marxalad xassaasiya iyo jid qodax baddan, sidaa awgeed wuxuu shacabka Ethiopia u soo jeediyay inay marxaladdaa adag ku talo galaan, taasi oo loo fahmay dagaal cusub oo ay Ethiopia qorshaynay in ay la g asho dalka Eritrea, kaas oo Abiy ku doonayo sidii ciidanka Eritrea looga saari lahaa guddaha Ethiopia.

 

 

Millateriga Eritrea ayaa deggen Gobollada Axmaarada iyo qaybo ka mid ah Tigray, waxayna gacan saar la leeyihiin Axmaarada xagjirka ah, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa u muuqda inuu markan la heshiinayo Tigrayga si ay ula Wada dagaalamaan Eritrea oo ay caddaawad weyn u hayaan, kaddib dagaalkii Tigray iyo dawladda Federaalka ee Ethiopia, iyadoo xilligaa Eritrea oo taagaysay dawladda ciidamadda Ethiopia ee Federaalka si weyn u galalafeen Tigrayga.

.Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post