X

Dalal Baddan Oo Safiiradooda Israel U Yeedhay Iyo Kuwo Cilaaqaadka Diblamaasiyada U Jaray

#Jordan #Bolivia #Colombia #Chile Oo Ciqaab Uga Dhigaya Israel Innay Xidhiidhka U Jaraan

#Araweelo_News_Network.

 

Amman (ANN)- Dalka Boqortooyadda Urdun nee Jordan, ayaa u yeedhay Safiirkooda dalka Isarel, taas oo qayb ka ah cadhada ay qaaday duqaymaha iyo xasuuqa shacabka Falastiin iyo go’doominta aan waafaqsanayn qawaaniinta caalamiga ah.

Sidoo kale, waxa jira dhawr dal oo kale oo qaaday tallaabo ay doonayaan innay ku xanuujiyaan Israel, kuwaas oo dhankooda u yeedhay Safiiradda ka jooga Tel Aviv, iyadoo xukumadda Israel ka jawaabay cadaadiska kaga imanaya aduunka, waxay  ku jawaabtay, “Dawladda Israa’iil waxa ay diiradda saaraysaa dagaalka ay ku soo rogtay fal-dambiyeedka argagixisada ah ee Xamaas, oo ah urur argagixiso oo xasuuqay 1400 oo Israa’iiliyiin ah, isla markaana afduubtay 240 haween, , carruur iyo waayeel ah,” Haiat ayaa ku tidhi hadal ay soo saartay oo ay soo dhigtay barteeda hore loo odhan jiray Twitter ee  X. “Israa’iil waxay beegsanaysaa (sic) argagixisada Xamaas iyo kaabayaasha argagixisada ee ururkan, kuwaas oo dadka rayidka ah ee Marrinka Qaza u adeegsada gaashaan bani’aadam.”

Hase yeeshee, Wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi ayaa ku dhawaaqay horraantii Arbacada innay u yeedhayso safiirkeedii u fadhiyay Israa’iil, tallaabadaasna ay si degdeg ah u dhacayso “taas oo muujinaysa mowqifka Urdun ee diidmada iyo cambaaraynta dagaalka Israa’iil ee Qaza iyo Xasuuqa shacabka Falastiin”

 

Sidoo kale, Safiiro baddan ayaa dib u yeedhay: Kolombiya iyo Chile waxay sidoo kale u yeedheen danjirayaashooda u joogay Israa’iil si ay wadatashi ula yeeshaan Salaasadii sababtoo ah weerarrada Israel ee Qaza iyo Xasuuqa shacabka Falastiin.

 

Madaxweynaha Chile, Gabriel Boric ayaa sheegay in tallaabadan ay sabab u tahay Israa’iil , “waxa ay samaynay ee ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ee marinka Gaza.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro ayaa yidhi,  “haddii Israa’iil ay joojin waydo xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiin, ma joogi karno halkaas.”

 

Sidoo kale, Bolivia ayaa ku dhawaaqday Salaasadii innay jartay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Israa’iil, iyada oo soo xiganaysa “dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin” kaddib dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Bolivia (ABI).

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post