X

Dagaalka Ka Cusboonaaday Suuriya Iyo Dhawaaqa Xukuumadda

Militants with the Jaish al-Fatah Takfiri terror group sit in the back of a truck as they take part in a major assault on Syrian government forces in the west of the northwestern Syria city of Aleppo, October 28, 2016. (Photo by AFP)

#Araweelo_News_Network

Dimiscus  (ANN)- Dalka Suuri ka dib markii ay kooxo hubaysan ay qabsadeen galbeedka magaalada xalab ee dalka suuriya waxaa la soo sheegay inuu dagaal dhexmaray kooxaha malleeshiyaadka ah iyo ciidanka Suuriya.

wararka ka imanaya halkaa ayaa p sheegayaan inay kooxaha hubaysani ay u gudbeen deegaanka la yidhhaado xamaa oo ku yaalla badhtamaha magaalada xalab.

Madaxweeynaha dalka Suuriya ayaa la hadlay dhiggiusa dalka isutagga imaaratka Carabta, Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan iyo Rasyul wasaarahaa dalka ciraaq isagoo ka dalbaday in dowladdiisa gacan ay ku siyaan si ay ammaanka iyo xassilloonida magaalada xalab dib uugu soo celiso.

sidoo kale kooxaga hubaysan ee suuriya ayaa sheegay inay qabsan doonaan goobo badan oo hadda ammaan ah, iyagoo sheegay inay dadka shacabka ah u oggolaan doonaan inay u qaxaan gobolka idlib. kooxhana hubaysan ayaa dadka shacabka ah uugu laab qaboojiyye inay guruahooda dib uugu soo noqon doonaan dhowaan markay ay dhammayatiraan hawlgallada militari ee ay wadaan.

Maraykanka ayaa sheegay inaysan waxba ka soo qaadayn culayska uu wajjahayo Madaxweeyne Bashar Al-Aasad iyo xukuumaddiisa, waxayna ku eedeeyeen inuu sifo sharci darro ah iyo keligii talisnimo ku joogo dwaddnak suuriya, maraykanka ayaa sidoo kale ku eddeeyey Madaxweeyne Bashar Al-Asad xidhiidhka dhow ee uu la leeyahay dowladda iran iyo ururka xizbullah.

Ruushka ayaa sheegay in militeriga suuriya uu dilay 300 dagaalyahanno ka tirsan malleeshiyaadka suuriya, iyagoo ciidanka Suuriya ay gacan ka helayeen ciidanka cirka Ruushka.

Dhanka kale ururka jaamicadda carabta ayaa sheegay in indhaha ku hayaan xaaladda murugada leh ee ka soo cusboonaatay waddanka suuriya, wuxuuna ururku ka digay suurta galnimada in kooxo argagixiso ah oo cusubi ay ka dhashaan waddanka suuriya.

Iran ayaa sheegtay in la weeraray Qunsuliyaddeeda magaalada Xalab, wax yar ka dib markii ay malleeshiyaadka hubaysani ay soo galeen, balse waxay sheegtay in dibloomaasiyiinteedu ay nabad qabaan.

Ugu dambayn wasiirka arrimaha dibedda ee dalka iran Abbas Araghachi ayaa maalmaha soo socda soo booqan doona caasimadda suuriya ee Dimishiq , wuxuuna u sii gudbi doonaa Caasimadda waddanka Turkey-ga ee Ankara.

Dhinaca kale xalab oo maray qaar loogu yeessho Aleppo ayaa ah xuduntii dagaalka Suuriya sanado la hor, iyadoo halkaa isku waajahan kooxo Maraykanka iyo xulufadiisu  taagarayeen iyo Millateriga  Suuriya oo Gacan ka helayay Iran iyo Ruushka, waxaana loogu awood sheegtay ugu danbayntii Maleeshiyaadka iyo xulufadda Maraykanka.

Author: Dr. Ahmed Hassan Salah, Compiled and Edited by: Arraale M Jama.
Published by Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published past on the Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post