X

Dagaalka Israel Iyo Xamaas Oo Gilgilay Xasiloonida Aduunka Iyo Hoggaamiyayaal Xal U Raadinaya

Qaahira Hioggaamiyayaasha, ka shiraya dagaalka Israel iyo Xamaas. 20 August 2023, Image Araweelo News News

#Araweelo_News_Network.

Cario (ANN)-Hoggaamiyayaal caalami ah ayaa ku sugan dalka Masar, kuwaas oo ka qaybgelaya shir madaxeedka la doonayo in lagaga hadlo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo kooxda Xamaas ee Falastiin oo si weyn u gilgilaya xasiloonida dunida ee sii xumaanay, isla markaana uga sii dartay qalalaasaha iyo collaaddaha horeba u taagnaa sannadihii u danbeeyay ee hadheeyeen dunida.

Laxidhiidha: Washington: Yuhuuda Maraykanka Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Xasuuqa Falastiin Iyo Duqaynta Qaza

In ka badan 20 ra’iisal wasaare, wasiirro arrimo dibadeed iyo hoggaamiyayaasha gobolka, ayaa ka qaybgelaya shirka oo ah mid xaasaasi ah.

Kulanka ka dhaca Qaahira ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo qaboojin lahaa colaadda Israel iyo Xamaas iyo sidii gargaar bani’aadanimo loo gaadhsiin lahaa dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Qaza. Shirkan ayaa waxaa marti gelinaya Madaxweynaha Masar Abdifatah Al-sisi.

Laxidhiidha: Xamaas Oo Sii Daysay Maxaabiis Dagaalka Israel Lagu Qabtay

Shirka ayaa kusoo beegmay, iyadoo dagaalka iyo duqaymaha Israel ee Qaza iyo go’doominta lagu sameeyay shacabka Falastiin ay marayaan maalintii shan iyo tobnaad, iyadoo Israel ka dhega adaygtay baaqyada sida ugu imanaya bulshooyinka Caalamka ee ku baaqaya in ay joojiso xasuuqa ay ka samaysay Qaza.

Laxidhiidha: US Jewish Oo Ka Cadhaysan Xasuuqa Israel Ee Falastiin Iyo Taageerada Madaxweyne Biden Oo La wareegay Aqalka Capitol

Dhawaaqyadii ugu danbeeyay, ayaa kasoo baxay Yuhuuda ku nool Maraykanka (Jewish community USA.), kuwaas oo isaga yimi New York, Florida, Los Angeles iyo aagagga kale ee waaweyn ee magaalada ee gobolka Sun Belt, waxayna isugu yimaadeen Washingtion DC, iyagoo kusoo ururay Aqalka Capitol,

Kumananka Yuhuuda waxay ku baaqayeen in Israel joojiso xasuuqa iyo duqaynta Qaza ee shacabka Falastiin, iyagoo si cad ugu dhawaaqayay in aan magacooda loo adeegsan karin in lagu xasuuqo shacabka Falastiin.
Yuhuuda Maraykanka, ayaa si weyn ugu canbaareeyay Xukuumadda Biden innay garab istaagtay xasuuqa ay Israel ka wado Qaza, waxayna ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka iyo shacabka Falastiin ay six or ah ugu laabtaan guryahooda, isla markaana laga qaado xayiraada la saaray.

Laxidhiidha: Magacayaga Juwish yaan loo addeegsan in lagu xasuuqo Falastiin, Dawladda Israel waa innay joojisaa xasuuqa iyo Duqaynta QazaYuhuuda Maraykanka

Laakiin dhawaaqyadaa iyo kuwo kale, ayaan weli xaalladda waxba ka beddelin, wallow ay sii kordhayaan cadaadiska mujtamaca caalamka ee lagu dalbanayo in Israel joojiso xasuuqa shacabka Falastiin iyo duqaymaha, isla markaana loo helo gargaar bini’aadanimo iyo dariiqyadii la marin lahaa si nabad ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post