X

Dabka Galaalafay Suuqa Ugu Weyn Ee Jigjiga Oo Dhaliyay Dareen Shaki Gelinaya Xidhiidhka Ka Dhexeeya Gubashada Suuqyada Ganacsiga Soomaalida

Suuqa Taiwan ee Jigjiga, 8 July 2023, Image Araweelo News Network.

#Araweelo_ News_Network.

 

Jigjiga(ANN)-Suuqa ugu weynaa ganasiga Magaaladda Jigjiga ee xarunta is maamulka Soomaalida Ethiopia ee loo yaqaanay Taiwan oo xalay saqadii dhexe ku shuf-beelay dab xooggan oo kacay ayaa ugu damnbayntii maanta lagu guulaystay in la bakhtiiyo.

Dabka, ayaa gebi ahaanba baabiiyay suuqa weyn ee Taiwan ee magaalada Jigjiga, wallow aannay jirin khasaare nafeed oo dabku sababay waxaase la xaqiijiyay inay ku burburtay hanti malaayiin dollar ah, maadaama uu aahaa suuq si weyn u camiran oo door weyn ku lahaa ganacsiga dalka Ethiopia iyo guud ahaan dhaqaalaha dalkaa.

Dedaalka la doonayay in lagu soo afjaro dabkaa waxa door weyn ku lahaa gurmad xalay ka boqoolay dhinaca Somaliland, gaar ahaan Magaaladda Hargeysa oo ay hoggaaminayeen Maayarka Caasimadda Cabdikariim Axmed Mooge iyo Taliyaha Ciidanka dab-damiska Somaliland.

Masuuliyiinta maamulka Caasimadda Jigjiga ee deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa ku macneeyay in dabka si weyn ugu fido dhammaan suuqa, isla markaana hore loogu guulaysan waayo sidii loo bakhtiin lahaa inay sabab u ahayd dabaylo xooggan oo dhacayay xalay ilaa saaka.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ka hadlay dhibaatada, isagoo bulshada la wadaagay dareenkiisa wuxuuna ku tilmaamay dabkaa inuu ahaa musiibo Rabbaani ah.

Sidaa awgeed wuxuu xusay innay bulshada la wadaagayaan musiibada dhacday iyo in xaaladda lala socon doono oo lasamayn doono guddiyo si loo ogaado khasaaraha, sidoo kale ay maamul ahaan qayb ka noqon doonaan dadaalada dadka waxyeeladu kasoo gaadhay dabkaa lagu taageerayo iyo dib u dhiska suuqa, isagoo xusay in gurmad uga yidhi dhinaca Somaliland iyo dhanka dawladda Federaalka ee Ethiopia.

Laxidhiidha: Qorshaha Xukuumadda Ee Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen Dhaqaallaha Loo Hayo Iyo Mustaqbalka

In kasta oo aan si dhab ah loo oggayn khaasaraha rasmiga ah, balse warbixin hordhaca ayaa lagu sheegay in lagu qiyaasay in ugu yaraan 932 meharood oo ganacsi iyo wixii yaalay ku shuf-beeleen dabkaa.

Maamulka Jigjiga iyo masuuliyiinta dawlad deegaanku ma sheegin sababta dhalisay dabka iyo baaxadda khasaaraha dhabta ah ee maaliyadeed, balse waxay masuuliyiintu sheegeen in la sameynayo baadhitaan la xidhiidha baaxadda khasaaraha ee maaliyadeed iyo sababta dhalisay dabkaa.

.

Dhinaca kale, dad baddan ayaa is weydiinaya sababta dabka sannadii u danbeeyay uga kacayo suuqyada ganacsiga ee Soomaalida ee Bariga Afrika, iyadoo suuqa khudaarta ee Jigjiga gubtay 2 March 2023, sidoo kale suuqayada ganacsiga ee Bakaaraha oo gubtay 22 Jan 2023, sidoo kale suuqa ugu weyn Islii ee Nairobi ayaa dhawr jeer gubtay sidan oo kale, waxaana xusid muddan in Suuqa ugu weynaa ganacsiga Somaliland ee Waaheen uu gubtay, isla markaana shuf-beelay 1 April 2022, iyadoo dabku kacay xilli habeenimo oo Jimce ah, halka suuqa Taiwan ee Jigjiga 8 July 2023, wuxuuna sidaa oo kale dabku kacay habeen Jimce ah, waxayna masiibooyinka dabka ee suuqayadaasi noqdeen kuwo su’aalo baddan bulshaddu iska weydiiso.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post