X

Britain Oo Duulimaadkii U Horeeyay Muwaadiniinteeda Kala Baxday Khartoum

#Araweelo_News Network

Khartoum(ANN)-Duulimaadkii ugu horeeyay ee muwaadiniin British ah, ayaa laga daadgureeyay dalka Sudan, kuwaas oo laga dejiyay Qubrus.

 

Ilaa hadda waxa duulimaadka ugu horeeya lagu qaaday 39 qof, iyadoo wararka sheegayaan in weli agaalo ba’an ay ka socdaan Galbeedka Darfur iyo Khartoum, kuwaas oo halis gelinaya xabad joojinta cusub ee saldhiga u ah howlgalka samatabixinta ee UK.

 

Dalka Suudaan oo galay dagaal maalintii 11aad, ayaa qarka u saaran inuu dagaal sokeeye oo daba dheeraada isu beddelo.

Ugu yaraan 459 ayaa lagu dilay dagaalada dalka ka socda waxaana ku dhaawacmay kumanaan kale.

Kumannaan muwaadiniinta Britian u dhashay ah ee halkaas ku xanniban ayaa loo sheegay inay u safraan garoon diyaaradeed oo ku yaalla waqooyiga Khartoum “sida ugu dhakhsaha baddan” galabnimadii Salaasada.

.

Laakin xoghayaha arrimaha dibadda James Cleverly ayaa sheegay inay ku qasban yihiin inay sidaa sameeyaan, maadaama aannay jirin ciidan, isagoo ka digay in “xaaladu ay weli tahay mid khatar ah, aan xasilloonayn oo aan la saadaalin karin” in kasta oo xabbad-joojin aan fududayn la sameeyay habeenkii Isniinta.

 

Qaar ka mid ah qaraabada Suudaan ee haysta dhalashada Ingiriiska ayaa loo diiday fiisaha ku meel gaadhka ah, kuwaas oo laga saaray duullimaadyada daadgureynta, sida ay shaacisay “The Independent” waxa loo sheegay in aannu jirin wax qorshe ah loo sameeyay, sidaa darteed aannay jirin waddo sharci ah oo ay qaxootiga Suudaan ku dalban karaan magangelyo.

 

Ku dhawaad 260 muwaadin British ah ayaa la filayaa in laga dhoofiyo Suudaan habeenimada,  saddex duullimaad oo kala duwan oo ka imanaya garoonka Waadi Saeedna, iyadoo ciidamada UK lagu wado inay la wareegaan xaruntaas oo laga keenay Arbacadii Jarmalka.

Sidoo kale, farsiiska iyo dalalka kale ee reer galbeedka ayaa ka baxay dadkooda dalka Suudaan, iyadoo xaaladdu kusii socoto masiibo aan la saadaalin karin.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post