X

Britain: Boris Johnson Oo Ka Hadlay Taageerayaasha Trump Ee La Wareegay Kongreska Maraykanka

Boris Johnson

Araweelo News Network.

#Boris@Johnson “Muuqaalo sharaf dhac ku ah Kongreska Maraykanka”.

Washington(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Dalka Britain, Boris Johnson ayaa wax laga xumaado iyo sharaf-dhac ku tilmaamay waxa dhacaya Kongareska Maraykanka.

 

Qoraal uu caawa xilli danbe soo dhigay bartiisa Twitter, ayuu ciwaan uga dhigay “Muuqaalo sharaf dhac ku ah Kongreska Maraykanka”.

Boris Johnson, wuxuu yidhi, “Maraykanku wuxuu u taagan yahay dimuqraadiyadda adduunka oo dhan waana muhiim hadda in si nabad ah oo nidaamsan loo kala wareejiyo awoodda.”

Xiisad ayaa ka taagan dalka Maraykanka, waxaana Booliska la dhigay Dhismaha Aqalka Capitol ee Maraykanka si meel laga xidho kaddib markii Madaxweynaha lagaga adkaaday doorashadii November 2020, Trump oo weli xaqiiqsan natiida doorashada ay taageerayaashiisu soo jiidheen ee jabiyeen khadadka amniga.

 

Kumanaan ka mid ah taageerayaasha Donald Trump ayaa jabiyay xarunta baarlamaanka, xilli ay halkaas oo ay ku shirayeen xildhibaannada labada aqal si ay u xaqiijiyaan guusha madaxweynaha la doortay Joe Biden.

 

Muuqaallo la yaab ah ayaa laga arkayay iyo riwaayado ay dhigayaan banaanbaxayaasha Trump ee isugu soo baxay agagaarka dhismaha, maaddaama xubnaha Koongaraska ay galbiyeen booliska si loo sugo amaankooda.

 

Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen xildhibaanadu ayaa lagu tirinayay si loogu xaqiijiyo codadka kuliyadaha doorashada, laakiin waa la laalay, waxaana gollaha lagu khasbay inuu galo fasax.

Warbaahinta qaarkeed, ayaa soo weriysay inuu dhintay ugu yaraan hal qof, iyo qof kale oo Haweeney ah oo lagu dhaawacay halkaa, taas oo la sheegay in xaalad adag ay ku sugan tahay kaddib markii qoorta laga dhaawacay.

 

Booliska iyo taageerayaasha Trump, waxa dhexmaray Iska hor imaad hubaysan, kaas oo ka dhacay albaabada golaha wakiilada, waxayna Boolisku adeegsadeen gaasta dadka ka ilmaysiisa, walaw aannay taas waxba ka bedelin xaaladda.

 

Dibadbaxayaasha ayaa la arkayay iyagoo socod ku maraya dhismaha iyagoo ku dhawaaqaya “Waxaan doonayanaa Trump” waxaana mid ka mid ah lagu sawiray kursiga guddoomiyaha aqalka Senate-ka oo ay qabsadeen, waxaana bandow lagu soo rogay magaalada Washington sida uu sheegay duqa magaalada, taas oo soconay 18:00 ilaa 06:00 (23:00 to 11:00 GMT) sida uu warbaahinta u sheegay duqa Washington DC.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post