X

Belgorod: Xiisad Ka Dhalatay Weeraro Ka Dhacay Guddaha Ruushka Oo Lagu Eeddeeyay Maraykanka Iyo Xulufadiisa

#Araweelo_News_Network.

 

Belgorod (ANN)-Maraykanka iyo xulufadiisa  ayaa lala xidhiidhiyay weeraro Labadii maalmood ee la soo dhaafay dagaalyahannada isku magacaabay Free Russia Legion oo  kasoo gudbay xadka Ukraine qiyaastii 5km si ay guddaha ugu galaan Ruushka, kuwaas  oo weeraro ka geystay gobolka Belgorod ee Ruushka.

Moscow waxay ugu yeedhay kooxdaa inay yihiin qaswadayaasha dagaalyahannada ah ee ay taageerayaan Kyiv, kuwaas oo iska dhigay saraakiil booliiska Ruushka ah, waxayna xukuumadda Moscow sheegtay in hub uu sameeyay Maraykanku laga helay halkaa.

Laxidhiidha: Ruushka Oo La Wareegay Magaalada Ahmiyada Weyn U Leh Dagaalka Ee Bakhmut

Sidoo kale, Moscow ayaa sheegtay in 24kii saacadood ee u danbeeyay lagu dilay halkaa 70 qof, waxayna kooxdaa ku tilmaantay kuwo ay soo abaabuleen maamulka Kyiv iyo xulufada reer galbeedka, balse maamulka Ukraine ayaa beeniyay inay lug ku leeyihiin.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Matthew Miller, ayaa u sheegay warbaahinta in koxdaasi yihiin Ruushka ka cadhaysan dagaalka Ukraine.

Afhayeenka u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Matthew Miller, wuxuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay, in maadaama uu Ruushku yahay midka wada gardarada, Mareykanku aannu wax lug ah ku lahayn, isla markaana u dayn doono saaxiibadiisa Ukraine si ay u go’aansadaan sida loo sameeyo dagaalkan.” Ayuu yidhi.

Miller sidoo kale,  sheegay in Washington ay “ka shakisan tahay” wararka. sheegaya in hub uu Maraykanku keenay la geeyay halkaa oo loo adeegsaday weerarkii Belgorod.

Xukuunmadda  Moscow ayaa kula talisay dadka deggan Belgorod inay ka fiirsadaan kuwa sharciga  kharbudaya, isla markaana si ay sharciga u ilaaliyaan ay toogtaan digniin la’aan kooxaha ay u arkaan inay yihiin kuwo qaswadayaal ah.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya cidda ay soo abaabushay kooxda weerarada ka geysatay gobolka Ruushka ee Belgorod, waxaase warar kale oo sheegaya in Kooxda Free Russia Legion oo ah unnug iskaa wax u qabso ah, la sameeyay sannadkii hore si ay awood u siiso Ukraine, isla markaana duulaanka Ruushka kasoo horjeeda ee dagaalka Kremlin-ka ay si mutadawacnimo ah ugu dagaalamaan.

Si kastaba ha ahaatee weerarka koooxda ayaa kusoo beegmay, kaddib markii Ruushku ugu awood sheegtay Kyiv iyo xulufadda reer galbeedka Magaalada istiraatiijiga ah ee Bakhmut, taas oo lagu dagaalamayay muddo ka baddan toddoba bilood, balse maalmihii lasoo dhaafay si buuxda ugu gacan gashay Ruushka.

Kooxda ayaa u  muuqata kuwo la doonayo in ciidamada Ruushka ee dagaalka kaga jira Bariga Ukraine lagu mashquuliyo guddaha Belgorod oo ay halkaas u noqoto goob dagaal.

 

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post