X

Belarus: Hoggaamiyaha Mucaaradka Oo Ka Hadhashay Ujeeddada Ciidamada Ruushka Ee Misk

Hoggaamiyaha mucaaradka Belarus, Sviatlana Tsikhanouskaya, Image Araweelo News Network. 19 Jan 2023.

#Araweelo News Network.

Misk City (ANN)- Hoggaamiyaha mucaaradka Belarus, Sviatlana Tsikhanouskaya, ayaa shaki ka muujisay in Askar ka socota Belarus ay ku biiri doonaan ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine.

Hase yeeshee, Haweenaydan Sviatlana, ayaa sheegtay in joogitaanka Ciidamada Ruushka ee ku sugan Belarus laga leeyahay ujeeddooyin kale oo siyaasadeed.

Waxay u sheegtay warbaahinta in joogitaanka ciidamada Ruushka ee Belarus ay leedahay laba ujeedo, kuwaas oo ay ku macnaysay in laga ilaaliyo mucaaradka Belarus iyo in Ukraine lagu sii hayo waxay ugu yeedhay malo-awaal ku saabsan wajiga labaad ee duulaanka Ruushka.

“Waxaan aad ula dhacsanahay walaalaheen Ukraine sida ay u difaacayaan dhulkooda iyo qiyamka Yurub maalin walba. Dadka reer Belarus waxay had iyo jeer la taagnaan doonaan Ukraine” ayay tidhi.

Dhinaca kale, iyadoo ka hadlaysa kulan ay la yeelatay Ra’iisal wasaarihii hore ee Britain Tony Blair, waxay sheegtay inay aad ugu khushuucday in aan kula kulmo ra’iisal wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair.

Haweenaydan Sviatlana, ayaa sheegtay inay Tony Blair weydiisatay inuu gacan ka geysto kor u qaadida arrinta kumanaan ay sheegtay inay yihiin maxaabiista siyaasadeed ee Belarus, kuwaas oo sida ay xustay la ildaran xaaladdo bini’aadantinimo.

Sidoo kale, waxay xustay inay kala hadashay sidii loo taageeri lahaa halganka ay sheegtay inay ku doonayaan xoriyadda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post