X

Arrinta Laascaanood Waa Mid  U Taagan Midnimada Soomaaliya Mana Dayacayno Madaxweyne Xasan Sheekh

“Dadka Sool waxay doonayaan midnimo waana hubaa way helayaan waxay raadinayan, Annaguna,,,, “Madaxweyne Xasan Sheekh

#Araweelo_News_Network.

 

 

 

Muqdisho(ANN)- Dhawaaqyo kasoo baxay Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa noqday kuwo ay dhibsadaan shacbiga Somaliland, kaddib barnaamij furan oo su’aalo lagu weydiiyay siyaasadda xukuumaddiisa oo habeenimadii Salaasadii kulan dadweyne uu kaga jawaabayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wax laga weydiiyay arrinta gobolka Sool iyo qorshaha xukuumaddiisa ee ku waajahan dagaalka Laascaanood, wuxuu sheegay inay xukuumad ahaan garab istaagayaan midnimada ay doonayaan shacbiga gobolka Sool, isla markaana ay jiraan dariiqyo dhinaca dublamaasiyada ah oo lagaga dhabaynayo arrintaa, kuwaas oo sida uu sheegay xukuumaddiisu wado.

Wuxuu sheegay in Mushkilada Waqooyiga tahay mid gaamurtay oo soddon ilaa afartan sannadood soo jirtay, balse ay xukuumadiisu u isticmaalayso dariiqyo baddan kuwa muuqda iyo kuwo aan muuqaan.

“ Waxaan arrintaa u dirnay Odayaal, hore waxay u tageen Laascaanood, waxay soo mareen Garoowe, haddana waxay joogaan Hargeysa, waxa Dadka Laascaanood waxay dawladda u haysaa ixtiraam wax baddana waa qabanay, waayo waxay doonayaan midnimo oo waxay sitaan calankii Soomaaliya, dadkaasi wixii ay raali ka yihiin ayaan rabnaa, waana hubaa waxay rabaan inay helayaan, Odayaal ayaan dirnay oo hadda Hargeysa jooga, marka danbena dhalinyarada ayaan diraynaa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrinta Laascaanood wax laga weydiiyay. wuxuuna dhawaaqa kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh noqday mid xaasaasi ah oo ay dhibsadeen dheggaha shacabka Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu ka hadlay mawqifka xukuumaddiisa ee siyaasadda ku waajahan ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka iyo arrimaha mustaqbalka.

 

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post