William Ruto Muxuu Ka Yidhi, Sababta Ka Danbaysa Inuu Caydhiyo Dhammaan Wasiirrada?

#Araweelo News Network:

Nairobi (ANN)-Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto, ayaa Khamiistii maanta 11 July 2024, wuxuu gebi ahaanba caydhiyay gollihiisa wasiirrrada iyo xeer Ilaaliyaha guud, kaddib rabashado todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay guud ahaan dalka oo sababay dhimmashada in ka baddan 39 qof.

William  Ruto ayaa xubnaha gollaha xukuumaddiisa kasoo reebay oo keliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo sidoo kale, xilkii  ka qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Kenya.

Tallaabadan ayaa noqotay mid lala yaabay oo dadka reer Kenya si weyn isu weydiinayaan, waxaase lala xidhiidhay innay qayb ka tahay cadaadis todobaadyadii u dambeeyay Ruto kaga imanayay baarlamanka Kenya oo ka dalbanayay inuu eryo wasiiro ay ku sheegeen kuwa fadhiid ah, isla markaana musuq-maasuq badan, oo aan howshii loo igmaday qaban karin.

Laxidhiidha: Kenya Oo Mar Kale La Dhibaataysan Dhibaatooyin Dhaqaale

Hase yeeshee, Madaxweynaha Kenya, wuxuu qaatay go’aan ka duwan dalabka Baarlamaanka oo uu gebi ahaanba xukuumaddiisa ku caydhiyay, waxayna arrintan kusoo beegantay xilli ay xukuumadda Kenya ee uu hoggamaiyo William Samoei Ruto la daalaa dhacay dhibaatooyin dhaqaale oo sababay mudaharaadyadii keenay qalalaasaha iyo rabshadaha, iyadoo ay jireen dhibaatooyin dhaqaale oo soo taxnaa tan iyo 2023, (Kenya economic crisis) sannad kaddib doorashadii oo la kowsaday markii uu xukunka la wareegay 2022, kuwaas oo saamayn ku yeeshay nollosha malaayiin qof oo Kenyan ah.

“Waxaan si deg deg ah ula yeelan doonaa la tashiyo ballaadhan oo ku saabsan qaybaha kala duwan iyo qaababka siyaasadeed iyo kuwa kale ee Kenyanka ah, mid guud iyo mid gaar ahba, ujeedaduna waxay tahay in la dhiso dowlad sal ballaadhan.”

Ruto ayaa sidaa ku sheegay khudbad uu telefishinka u jeediyay shacabka, isaga oo intaa ku daray in uu dib u shaacin doono tallaabooyin dheeri ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in kasta oo uu xil ka qaadis ku sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, balse waxa uu sheegay in xafiiska madaxweyne ku xigeenka aannay saameyn ku yeelanayn.

Isbeddelka lagu sameeyay gollaha wasiirrada ayaa waxa lagu macneeyay mid dadka Kenyaanka ah weydiinayeen Madaxweynaha, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay John Githongo oo u dhaqdhaqaaqa la dagaalanka musuq-maasuqa.
“Aan aragno waxa dhacaya hadda haddii wasiirada cusub ay wax ka qabtaan arrimo waaweyn oo ku saabsan musuq-maasuqa iyo isla weynida iyo xad-dhaafka maamulkiisa iyo in dad badan oo Kenyan ah ay ku dhinteen bannaanbaxyada,” ayuu yidhi. “Waxaan rajeyneynaa in tani ay si ku meel gaar ah u dejiso.” sida ay soo werisay Reuters.

Laxidhiidha: Qorshaha Madaxweyne William Ruto Ee Kenya Oo Sababay Dibadbaxyo Khasaare Dhaliyay

Hase yeeshee, Ruto ayaa waxa uu dhexda u galay dalabaadka lacag bixiyayaasha sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF si ay u dhimaan hoos u dhac ku yimaada iyo dadka dhibaataysan oo la ildaran kor u kaca maciishada.

Natijooyinkii ka dhashay dibadbaxyo  ay sababeen qorshe xukuumaddu ku doonaysay innay ku kordhiso cashuuraha iyo dakhliga dalka oo  $2.7 bilyan dollar ah, ayaa noqday kuwo aan suurta gal ahayn, kaddib markii ay dadweynaha Kenya ka muujiyeen gedood lagaga soo horjeeday siyaasadda dowladda Ruto ee dhinaca maaliyadda iyo canshuuraha, taasi oo markii dambe uu madaxweynuhu ka noqday. ka hor intii aan loo gudbin Baarlamaanka.

Dibaxbaxyada Kenya oo ay hoggaaminayeen kooxo dhallinyaro ah, ayaa hafiyay qorshihii Madaxweyna Kenya William  Ruto, waxayna oo dalkaasi ka abuurtay mushkiladii ugu weynayd labada sano ee uu Ruto xukunka hayay. Ruto Waxa uu xusay innay soo socdaan isbedelada dhanka dowladda ah. laakiin weli ma cadda in ciwaanka soo socda uu muujin doono isbeddelada uu sheegay.

Kooxaha xuquuqda aadamaha ayaa sheegay in ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay dibad baxyada oo rabshadaha watay, iyadoo gubay ganacsiyo, isla markaana wadooyinka lagu shiday Taayiro, sidoo kale,  dhismaha baarlamanka Kenya ayaa muddo kooban lagu galay oo dab la qabadsiiyay bishii la soo dhaafay intii ay socdeen dibadbaxyada rabshadaha watay.

Sidoo kale, qorshaha Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto, ee dhibaatooyinka anbuuray, ayaa yimi maalmo kaddib Madaxweynuhu kasoo laabtay dalka Maraykanka, isagoo si weyn loogu soo dhoweeyay Washington, iyadoo booqashadiisu noqotay muddo labaatan sannadood hoggaamiyihii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee Washington u fidiso casuumad rasmi ah.

Madaxweyne Biden, ayaa sheegay sida ay warbaahinta Maraykanku soo werisay xilligaa intiii uu ku jiray Booqashadiisa Maraykanka in Washington la gashay Madaxweyne William Ruto heshiisyo waaweyn oo ganacsi iyo maalgashi ah,

Ruto, ayaa intii uu ku guda jiray booqashada Washington, wuxuu Ubax dhigay qabriga halyeygii xuquuqda madaniga ah Martin Luther King Jr. iyo xaaskiisa, Coretta Scott King, iyagoo booqanaya xarrun u heellan inay ixtiraamto dhaxalkooda.
sidoo kale, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday maalgashi dhan 32 milyan oo doolar si kor loogu qaado Sayniska, Thignoolajiyada, injineernimada iyo Xisaabta ee Kenya inta lagu guda jiray booqashadii Ruto ee Spelman College, oo ah Mahcadka madow ee haweenka Maraykanka sida ay shaacisay xilligaa Araweelo-News_Network oo si dhow ula socotay booqashada William Ruto ee Washington.

Balse arrimaha xilligan ay wajaahday xukuumadda Ruto ee dhaqaale xumadda iyo maaraynta mushkilada ayaan Washington wax taageero ah u muujin, taas oo ku khasabtay inuu ka laabto gebi ahaanba qorshihii uu watay, iyadoo natiijadu kusoo ururtay inuu ka laabto qorshihii miisaaniyadda ugu danbayntiina kala caydhiyo xukuumaddiisa.

Mudaaharaadyadan ku khasbay inuu daadiyo xukuumaddiisa, ayaa abuuray dhibaatadii ugu waynayd ee soo marta labadii sano ee uu xilka hayay tan iyo markii la doortay tartan addag oo dhexmaray Odinga doorashadii September 2022 .

 

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com