X

Somaliland Wasaaradda Waxbarashadda Oo Maalinta Caalamiga Ah Ee Akhriska Iyo Qoraalka Soo Bandhigtay Tirada Dadka Ka Faa’idaystay Fursada

“Cid walba oo diyaar u ah waxbarasho,  waa inay ka faa’idaystaan fursadan.” Agaasime Cabdirisaaq Naakhuude

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Munaasibad si bllaadhan loo agaasimay oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee wax akhriska iyo qoraalka, ayaa lagu qabtay Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibad si bllaadhan loo agaasimay oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee wax akhriska iyo qoraalka oo lagu qabtay Somaliland, 8 Sep, 2022, Image Araweelo News Network.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo gacan ka helaysa Hay’addaha kala shaqeeya waxbarashada, ayaa soo qaban qaabisay munaasibadaa oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Masuuliyiinta wasaaradda, wasiiro ka tirsan xukuumadda, saraakiil ka socotay Hay’addaha ka taageera waxbarashada, qaar ka mid ah dadkii ka faa’idaysatay fursada ay wasaaraddu ku doonayso in kor loogu qaado aqoonta bulshada ee wax qorista iyo qoraalka iyo marti sharaf kale, ayaa kasoo qaybgalay munaasibada xiska Maalinta Caalamiga ah.

Munaasibad si bllaadhan loo agaasimay oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee wax akhriska iyo qoraalka oo lagu qabtay Somaliland, 8 Sep, 2022, Image Araweelo News Network.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Akhriska iyo Qoraalka oo ku beegan 8 September, isla markaana Somaliland laga xuso si loo dhiirigeliyo aqoonta wax qorista iyo qoraalka, isla markaana ay fursad u helaan dadka aan hore waqti ugu helin waxbarashada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Cabdixakiim Siciid Muuse (Cabdixakiim Bustaale), oo ka qaybaglay maalinta caalamiga ah ee xuska wax akhriska iyo qoraalka oo lagu qabtay Somaliland, 8 Sep, 2022, Image Araweelo News Network.

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, ayaa munaasibadaa ka sheegtay in sannadkii 2021-2022, ay kusoo biireen akhriska iyo qoraalka 6500 qof, kuwaas oo Wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland bartay wax qorista iyo akhriska, isla markaana xilligan ah dad wax qorista iyo qoraalkaba ku aflaxay oo ka faa’idaystay fursada ay wasaaraddu ku doonayso in ay Bulshada ugu adeegto.

Sucaad Maxamed Cabdi, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada dadban ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, oo ka hadlayasa maalinta caalamiga ah ee xuska wax akhriska iyo qoraalka oo lagu qabtay Somaliland, 8 Sep, 2022, Image Araweelo News Network.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay sanad dugyeedka lagu jiro ee 2022-2023, ay kusoo biireen dadka la baray wax akhriska iyo qoraalka 10,624, oo qof, sida lagu sheegay xogtaa oo ay wasaaraddu kusoo bandhigtay munaasibadda xuska maalinta caalamiga ah ee wax akhriska iyo qoraalka oo si weyn looga xusay Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Cabdixakiim Siciid Muuse (Cabdixakiim Bustaale), oo ka hadlaya munaasibadda maalinta caalamiga ah ee xuska wax akhriska iyo qoraalka oo lagu qabtay Somaliland, 8 Sep, 2022, Image Araweelo News Network.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Cabdixakiim Siciid Muuse (Cabdixakiim Bustaale), ayaa sheegay in ay Bulshada ugu bushaaraynayaan in maanta dalka ay ka jiraan goobo baddan oo wax akhriska iyo qoraalka lagu barayo dadka, wuxuuna si gaar ah ugu hanbalayeeyay munaasibadda maalintan qof waxba oo taariikhda aqoontiisa wax ka bedelay, isla markanaa noqday Arday wax qora waxna akhriya.

Agaasmiha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Cabdirisaaq Naakhuude), oo ka hadlaya maalinta caalamiga ah ee xuska wax akhriska iyo qoraalka oo lagu qabtay Somaliland, 8 Sep, 2022, Image Araweelo News Network.

Sidoo kale, Agaasmiha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Cabdirisaaq Naakhuude), ayaa dhankiisa sheegay in wasaarad ahaan balaqaadayaan in ay sii wadaan dedaalka la doonayo in dadkii aan helin fursada waxbarasho, ama waqti u waayay in lo ohayo macalimiin u tababaran oo si fiican wax u baraya.

“Cid walba oo diyaar u ah waxbarasho, intii Iskuulada fursad u weyday iyo intii Iskuuladda xilligii ay tegi lahaayeen dhaaftay, waa inay ka faa’idaystaan fursadan, wasaarad ahaan, waxaanu u haynaa Macalimiin heer walba oo bulsho wax baraan.” Ayuu yidhi, Agaasime Cabdirisaaq Naakhuude oo halad kooban ka jeediyay munaasibada maalinta wax akhriska iyo qoraalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post