Araweelo News Network
London(ANN)Waraaq far-qoraaleedkeedu naadir ku yahay dunida oo boqorradda Ingiriiska ee Elizabeth II kaga sheekaynayso jacaylkii ay u qaadday ninkeeda Amiir Philip ka hor arooskooda oo dhacay 1947kii ayaa xaraash lagu iibiyey.
Qoraalkan oo ay gacanteeda ku qortay markii da’deedu ahayd 21 jir, waqtigaas oo ay amiirad ahayd, waxay kaga sheekaysay xidhiidhka jacayl ee dhexmaray ninkeeda iyo kulano dhif dhif ah oo ay wada qaadan jireen xilliyadii dagaalladu ka socdeen adduunka, iyagoo ku wada kulmi jiray magaalada London.
Boqorad Elizabeth oo hadda u dabbaal-degtay sannad-guurada 90aad ee dhalashadeeda, isla markaana 4 carruur ah u dhashay Amiir Philip oo isna da’diisu waqtigan tahay 94 jir, waxayna warqadeeda kaga hadashay arrimo jacayl ah oo ay wadaageen ninkeeda.
waxa waraaqdeedan la kala siistay $20,000 (Labatan kun) oo dollar.
Waraaqdan oo ka kooban laba bog waxa iibsaday qof urursada waxyaabaha taariikhiga ah oo Ingiriiska u dhashay, isagoo siistay lacag dhan $20 kun oo doollar, taasoo lagu xaraashay xarun ku taal koonfurta galbeed ee dalka Ingiriiska.
Boqoraadu waxa ay qortay buug la yidhaa “Royal Wedding” (Xafladii aroos ee boqortooyada) oo ay kaga sheekanayso guurkeeda si ay amiirrada yaryar ee boqortooyada u soo socda ula wadaagto xidhiidhka ay la lahayd sarkaalkan ciidammada badda ka mid ahaa oo ay ilaa hadda is qabaan, kaasoo uu dhalay amiir ka soo jeeday boqortooyo ka talin jirtay dalalka Giriiga iyo Denmark.
“Waxaan ugu hor xasuustaa kulankii Philip inuu ahaa kulliyadda Royal Naval College, Dartmouth markii taariikhdu ahayd bishii July ee sannadkii 1939kii oo waqti yar uun dagaalka ka hor ahayd. “Waxa laga yaabaa in ka hor aannu ku kulannay xaflad aroos “Duches of Kent’s wedding” laakiin ma xasuusto,” ayey qortay boqorraddu, waxayna intaa ku dartay; “Waxa aan ahaa 13 jir, isaguna wuxuu ahaa 18 jir, markaas uun buu ahaa askari xerada ka baxaya. Waxa uu ku biiray ciidammada badda markii dagaalku qarxay, si dhif-dhif ah baan u arkayey oo ahayd marka uu fasaxa ku joogo oo qudha. Waxa laga yaabaa in laba jeer amma saddex jeer sannadkii aan arkayey.”
Boqorraddu waxa ay sheegtay in fargalkoodii meherka laga sameeyey dahab “Welsh gold” la yidhaa, jacaylkeeduna u sameeyey nooc uu jeclaa, waxaanay qoraalkeeda ku tidhi; “Ma garanayo taariikhda dhagaxa, waxa aan aqbalay inuu ahaa mid aad u weyn oo aad u fiican. Waxa la ii siiyey ka hor intii anaan is mehersan oo waqti hore ahayd.”