Araweelo News Network
AlnuurdeeqagoomahaHargeysa(ANN) Shirkadda qalabka guryaha iyo xafiisyada ee ALNUUR Furniture ayaa guddida abaaraha heer qaran ee Somaliland ku wareejisay 1000 hoy iyo 2000 oo buste.

Deeqdan oo loogu talogalay inay dugsi u noqdaan dadka abaaruhu waxyeelleeyeen ee ay u raaceen dardhashada dhaxanta iyo dhibica roobka, ayaa waxa shirkadda ALNUUR Furniture ka guddoomay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Sheekh Khaliil Sheekh Cabdillaahi Axmed.

Md. Cabdiraxiim Maxamuud Faarax oo ku hadlayay magaca mulkiilaha Shirkadda ALNUUR Md. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur, waxa uu sheegay: “Annaga oo ka jawaabayna baaqii Madaxweynaha ee gurmadka abaaraha, waxaannu jecelnahay inaannu guddida abaaraha qaranka ku wareejinno deeqdan oo ka kooban 1000 bacood oo ah hoyga dadka iyo duunyadu ba adeegsan karto iyo 2000 oo buste, mana aha markii ugu horreysay ee ay Shirkadda ALNUUR deeqdan oo kale u keento, waanannu sii wadaynaa kaalmaynta dadkayaga iyo dalkayaga.”

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ku hadlayay afka guddida abaaraha oo shirkadda ALNUUR ka guddoomay deeqdan ayaa isaguna munaasibaddaasi ka hadlay, isaga oo mahadnaq weyn u jeediyay shirkadda ALNUUR.

“Waxaan aad iyo aad ugu duceynayaa mulkiilaha Shirkadda Md. Cabdiraxmaan-ALNUUR oo runtii deeq khayri ah oo muhiim ah soo na gaadhsiiyay, waxaannu Ilaahay uga baryaynaa in meesha uu ka soo saaray wax ka khayr badan uu ugu beddalo.” ayuu yidhi Mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

“Ganacsade Cabdiraxmaan ALNUUR waxaan ILAAHAY uga rajaynayaa halka uu deeqdan ka soo saaray boqol laabkeed u gasho Jasaa’akallaahu Khayran ayaan leeyahay. Aad ayuu u mahadsan yahay” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Khaliil.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Shirkadda ALNUUR FURNITURE ee ay deeq caynkan oo kale ah ka gaysato arrimaha kala duwan ee bulshada, waa se deeqdii u horraysay ee ka jawaabaysa saamayntii ay roobabku u gaysteen duunyada xoolaha nool iyo dadka oo hore ba u la daalaadhacayay diiftii ay hore u gaadhsiiyeen abaaruhu.