Araweelo News Network
maxabista guatnamoRiyadh(ANN)Dowladda Mareykanka ayaa Sacuudiga ku wareejisay Sagaal Maxbuus oo Yamaniyiin ah oo ka tirsanaa Maxaabiista Muslimiinta ee muddada dheer ku xidhnaa Xabsiga Guantanamo Bay ee kuyaalla Jaziiradda Kuuba.
Maxaabiista lagu wareejiyay Dowladda Sacuudiga waxay noqonayaa kuwii tiro aha an ugu badnaa ee mar keliya laga saaro Xabsiga Guantamo tan iyo horraantii Sannadkii 2009, xilligaas oo hoggaamiyaha Mareykanka Barack Obama uu ballan qaaday inuu si kama dambeys ah u xidhayo Xabsigaasi. Kaddib canbaarayn dawlada Maraykanka kaga timi hay’addaha xuquuqda Aadamaha.

Sagaalka Maxaabiista ah ee lagu wareejiyay Dowladda Sacuudiga waxaa ugu caansan Maxbuus lagu magacaabo Daariq Baacuudah oo 37 jir ah, kaasoo tan iyo Sannadkii 2007-dii ay si khasab ah ku quudinayeen ilaalada Xabsiga Guantanamo, kadib markii uu uu Cuntada ka soomay, isagoo ka murugoonayay xadgudubyo loo geysay.

Dalka Yemen waxa ka socda dagaalo u dhexeeya dawlada maqaar saarka ah ee Madaxweyne Abdo Rabbo Mansuur oo Sucuudiga iyo xulufadiisu taageeraan iyo malayshiyada Xuutiyiinta ee xulufada la ah ciidanka Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax oo teegeero ka helaya xukuumadda Iran, waxayna Sagaalkan Maxbuus ee Dowladda Sacuudiga lagu wareejiyay ka dhigaysaa tirada Maxaabiista Muslimiinta ee illa iyo hadda ku xidhan Jeelkaasi ka dhigeysaa 80 qof iyadoo Maxaabiistaas badankood aan lagu soo ooggin wax dacwado ah, kadib markii in ka badan tobon Sano ay ku qaateen gudaha Xabsigaasi nolloshooda.

Madaxweyne Barack Obama ayaa hore u sheegay inuu albaabada u xidhayo Xabsiga Guantanamo, balse waxa arrntaa si weyn canbaarayn ugaga timi dhinaca Xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo diidan qorshaha lagu xidhayo Xabsiga.

Xabsiga Guantanamo Bay, ayaa la furay Sannadkii 2002-dii waxyar kadib markii uu billowday duullaankii Maraykanku hormoodka u ahaa ee dalka Afghanistan, waxaana Xabsigaasi ku lagu xidhay Boqollaal Muslimiin ah oo u baddan Yemen iyo Sucuudiga, kuwaasoo laga soo qab qabtay dalalka Pakistan iyo Afghanistan, kuwaas oo loo heystay inay xidhiidh la lahaayeen Mujaahidiinta Daalibaan iyo Urur weynaha Al-Qaacidda.