Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa cayimay waqtiga uu qabsoomayo shirweynihiisa 5aad ee Golaha Dhexe, iyadoo digniin adagna loo diray masuuliyiinta iyo xubnaha kale ee ku jira xisbigaasi.
Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga UCID Xasan Cismaan Aadan (Sabce) oo isagoo ay weheliyaan xubno kale masuuliyiin ah shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in shirka golaha dhexe la qaban doono 10-ka bisha July 2016, si xal loogu helo khilaafka ragaadiyey hoggaanka sare ee UCID.
“Anigoo ka duulaya waajibaadka sharci ee uu dhigayo qodobka 25aad faqraddiisa 3aad ee Xeerka Nimaadka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Somaliland ee XL 14/2011 iyo qodobka 17aad ee dastuurka xisbiga UCID waxaan halkan ka calaamadinayaa shirweynihii 5aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga, waxaannuna qabanaynaa shirkaasi 10-ka bisha July 2016 Insha Allah,” ayuu yidhi Xoghayuhu.
Waxa kaloo uu duray sharcinimada guddiga anshaxa ee xisbiga oo uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, waxaannu yidhi, “Xeerka xisbiga UCID qodobkiisa 34aad wuxuu sheegayaa guddiga anshax ee xisbigu leeyahay, guddiga anshaxa waxa lagu doortaa shirka golaha dhexe, wixii aan intaa ahayn guddigaasi sharci maaha oo cidna ma eryi karto, cidna xil kama qaadi karto.”
Sidoo kale, waxa uu digniin u diray masuuliyiinta iyo xubnaha kale ee xisbiga UCID oo uu ugu hanjabay in haddii ay joojinwaayaan yooyootanka warbaahinta lagu anshax marin doono shirka golaha dhexe.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa kaloo aan leeyahay haddii ay tahay murrashax ama guddoomiyaha, hoggaanka sare ee xisbiga, xildhibaannada iyo cid kastoo ku jirta golaha dhexe ee UCID waxa ka reebban in aflagaado iyo xummaan la isku mariyo warbaahinta, ciddii intaa ku gefta waxaannu kaga abaal-qaadan doonaa shirkayaga golaha dhexe.”
Xoghayaha golaha dhexe ee UCID waxa shir-saxaafadeedkaasi ku wehelinayey Ku-simaha Xoghayaha guud Mr. Cabdinaasir Yuusuf (Qodax), Maxamed Cali Yuusuf (Jiir) oo dhawaan Guddoomiye Faysal Cali-waraabe u magacaabay xilka Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee xisbiga oo uu hore u hayey Cali Guray, balse la sheegay in laga qaaday kadib markii ay is khilaafeen Guddoomiyaha.