Maxamed A. Maxamuud ‘Barawaani’
Abaaraha ka jira dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay noqdeen kuwa saameyn weyn ku yeeshay dad iyo duunyo, oo ay saxaafadda guddaha iyo ta caalamku si weyn uga waramaayeen dhibaatooyinka ay dhaxalsiisey duunyadii iyo dadkii reer Somaliland, taasoo u keentay dhimasho, macaluul, biyo-la’aan iyo xannuunno.
Haddaba, iyada oo laga duulayo xaaladdaas adag ee dad iyo duunyaba soo wajahay, waxa dawladda Somaliland ay qaylo-dhaan u kala dirtay guud ahaan beesha caalamka, si ay taageero wax-ku-ool ah uga geystaan dhibaatooyinka abaaruhu keeneen, gaar ahaan saameynta ba’an ee abaartu ku keeneen deegaannada galbeedka Somaliland. Qayla-dhaantaasi ka dib waxa Somaliland yimid wufuud badan oo beesha caalamaka ka kala yimid oo taageero iyo garab istaagba u muujiyey dawladda Somaliland sidii ay uga taageeri lahaayeen dhibaatada abaartu keentay.
Qaybo ka mid ah hay’addaha Qarammada Midoobay iyo waddamo ka mid ah ururka Carabta, gaar ahaan waddamada Imaaraadka Carabta, Sacuudi Areebiya, Qadar iyo Kuweyt-ba waxa ay soo bixiyeen taageero iyo gargaar wax-ku-ool ah, oo la gaadhsiiyey dadkii ay sida ba’an u saameysay abaartu, ka dib qaylo-dhaantii Somaliland ku kala dirtay beesha caalamka.
Sida la ogyahay, maalintii taariikhdu ahayd 5 April 2016, waddanka Somaliland yimid wefti ka socda dalka Masar, iyadoo aan la garaneyn ulajeedka socdaalkoodu daarnaa, mar haddii aanay taageero iyo taakuleyn midna sidin, kana hadlin, waayo Somaliland wakhtigan aynu ku jiro ee abaaruhu ka taagan yihiin waxa keliya ee weftiyada beesha Caalamka ee imanay Somaliland ay ujeedadoodu ahayd sidii ay taageero uga geysan lahaayeen dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha.
Si kastaba-ha ahaatee, weftiga ka socday Masar uma muujin Somaliland wax teegeero iyo niyad-samaan ah oo arrinta abaaraha ku saabsan, iyagoo qoraal ay safarkooda ka dib ka qoreenna ku tilmaamay inay booqdeen gobol la yidhaahdo Somaliland si ay u khalkhal galiyaan aragtida caalamka ee Somaliland.
Si kasta oo ay tahay, dad faro badan oo reer Somaliland ah, waxa ay imaatinka weftiga reer Masar u arkayeen mid dano siyaasadeed oo qarsoon huwan, dantoodana ay ka dhex baadi goobayeen Somaliland, maadaama aanay haba yaraatee wax taageero ah ka geysan abaaraha, iyo dhibaatooyinka abaaruhu keeneen ee ka taagan gobollada Somaliland qaar ka mid ah. Waayo, waddanka Masar oo caan ku ahaa hiilka Soomaali weyn, waligiina ku taami jiray sidii uu god ugu sii ridi lahaa go’aanka reer Somaliland kula soo noqdeen madaxbannaanidoodii ka luntay sannadkii 1960-kii, ayaa u muuqday in weftiga ka socdaa uu watay arrimo qarsoon oo ishu qaban kari weyday, iyadoo taariikh ahaan la ogyahay meeqaamka uu kaga jiro arrimaha Soomaaliya, oo uu dhinac yahay. Si kastaba ha ahaatee, arrinta weftigan waxa ay dareen soo jiidasho leh ku abuurtay daneeyayaasha siyaasadda Geeska Afrika, oo su’aal badan galiyey imaatinka weftigan iyo xaaladda lagu soo beegay.
Arrinta xiisaha leh ee dareennadaas sii xoojisay ayaa ah, ka dib noqoshadii weftiga Masar ka yimid inay barta internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibaddooda ku daabaceen qoraal aad u xajiimo badnaa oo badi dadka reer Somaliland ay dhibsadeen. Qoraalkaas oo meelo ka mid ah si bah-dilaad ah loogu xumeeyey jiritaanka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Meelaha qoraalkaasi ku jiray ee sida anshaxa siyaasadeed ee hufan ka fogaa, waxa ka mid ahaa hadal u qornaa sidan; “Wefti ka socda Dawladda Masar ayaa gaadhay gobolka Somaliland.”
Si kasta oo ay tahay waxa dareenka qoraalkaas si toos ah uu uga turjumayey dareenka dhabta ah ee dawladda Masar ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland. Waayo, waxa qoraalka ka muuqday xaqiraad, yasid, iyo hoos-u-dhigid baahsan oo ay kula kaceen Somaliland. Filashadaa noocaas ah inkasta oo dad badan oo arrimha siyaasadda falanqeeyaa ay hore iyo haddaba aaminsan yihiin, haddana dad badan oo kale ayaa filayey mar haddii Somaliland wakhtigan abaaro baahsan ka jiraan inay arrimaha noocaas oo kale ah aan laga filaneyn dawladda Masar. Qeexidda dhabta ah ee weedhaha ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar, waxa ay muujineysaa in weli Masar aaminsan tahay, ku dhegsan tahay in Somaliland wali tahay gobol ka mid ah Soomaaliya. Arrintaas oo meel-ka-dhac iyo bah-dilaad weyn ku ah diblomaasiyadda siyaasadeed ee Geeska Afrika. Arrinta layaabka leh ayaa ahayd in weftigu sheegeen sida qoraalka ku cad inay la kulmeen madaxweynaha gobolka.
Arrintaasi oo soofdaran habaabin weyn ah, oo ay doonayaan inay wax yeelo ugu geystaan hore-u-socodka Siyaasadeed ee Somaliland ka samaysay dhinaca arrimha dibadda. Dawladda Masar iyada o ka dheragsan sooyaalka Somaliland iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay, haddana hadalka qoraalkooda markaad fiiriso waxa kuu muuqanaya inay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan Geeska, oo hadda aad loogaga xoog weynaaday dhinaca diblomaasiyadda.
Dhinaca kale, dawladda Masar oo waligeedba qeyb weyn ka ahayd xaaladda qalalaaase ee ka oogan Geeska Afrika, waxa ay mar walba uga faa’iidaysanaysey qalalaasahaasi sidii ay ugu ilaashan lahayd danta ugu weyn ee ay ka leedahay Geeska Afrika oo ah sidii ay waligeedba u maamuli lahayd awooda ugu weyn ee Webiga Niilka oo ka bilaabma Waddamada Geeska Afrika. Danta Masar ee webiga Niilku waxa ay ku jirtaa sidii ay xasillooni-darro baahsan ugu abuuri lahayd Geeska Afrika, gaar ahaan waddamada webigaasi maro, si ay uga ilaaliso deegaannadaas in horumar weyn ka bilaabmo oo looga faa’iideysto webiga. Sidaa oo ay tahay waxa hubaanti ah in qof kasta oo Soomaali ah uu dhibbane u yahay dawladda Masar oo danaheedda mar walba ka dhex baadi goobeysa meel adag.
Guul-darrada ugu weyn ee dawladda Masar ay la kulmi doontaa waa iyada oo iska indho tireysa dareenka dadka reer Somaliland iyo sooyaalka dhabta ah ee ay leedahay siyaasadda Somaliland ama Soomaaliya oo aan la isku murgin karin. In dawladda Masar baadi-goobto danaha Soomaali weyn waxa ay ka dhigan tahay inay maalin riyooneyso, oo taas aanay marnaba u suurtagalayn dhinac walba. Dad badan oo daneeya arrimaha siyaasadda ee Geeska Afrika, waxa ay u arkayeen imaatinka iyo qoraalka dawladda Masarba mid aan ku fadhiyin xaqiiqo dhab ah, ee uu yahay mid lagu jaahwareerinayo siyaasadda Geeska Afrika oo aanay saameyn weyn wakhtigan ku lahayn dawladda Masar. Si kasta oo ay tahay dawladda Masar daaha ma saari karto horumarka dimuqraadiyadeed ee ka hano-qaaday Somaliland oo dhinac walba ah.
Si kasta oo ay tahay, waxa ayaan-darro weyn ah in weftiga dawladda Masar ay si badheedh ah meel-ka-dhac siyaasadeed ugu geystaan Somaliland qoraalkooda, waxase hubanti ah in aanay Somaliland ka helayn wax badan oo ay kula soo galgalan lahaayeen.
Waddanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo ay innaga dhexayso cilaaqaad gun dheeri maaha mid ay dawladda Masar wax ku yeeli karto, amma ay ugu soo gaban karto horumarka Somaliland ka hano-qaaday oo labada dhinacba saameyn ku leh. Waxa xaqiiqo ah in dawladda Somaliland ay kala garaneyso danaha dhaqan-dhaqaale ee gunta dheer cidda ay waligeedba la yeelan doonto, leedahay, ama la lahayd.
Dhanka kale, abaalka dhaca dawladda Masar ay qoraalkeeda ku xustay, waxa ay niyad-jab ku tahay shacabka, dawladda gacmaha furan ku soo dhaweeyey ee hadh iyo habeenba u heellanaa intii ay waddanka joogeen, sidii loo geyn lahaa meelo muhiim ah oo ay ka mid tahay dekedda Berbera iyo goobaha dalxiiska ku caanka ah.
Sidaa oo ay tahay Somaliland maalin iyo wakhti kasta waxa yimaad wufuud ballaadhan oo caalamka ka kala socda, sida; dalalka reer galbeedka, Afrika, Carabta iyo hay’ado caalami ah oo u socda inay ogaadaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, kuwaas oo marka ay noqdaan si wacan oo hufan uga war bixiya wixii ay ku soo arkeen Somaliland oo ah daganaansho, nabad iyo horumar wacan oo Somaliland ku tallaabsatay iyadoon kaalmo ka helin cidna.
Haseyeeshee, dawladda Masar ma qarin karto horumarka Somaliland ay beesha Caalamku qireen, iyadoo dawladda Masar ujeeddadeeda webiga Niilka uun ku ilaashanayso in qalalaase ka abuurto mandaqadda Geeska Afrika.
Guntii iyo gebagabadii waxay ahayd in dawladda Somaliland ay fiiro iyo taxadir weyn siiyaan dawladdaha ay Masar ka mid tahay ee aan marnaba hadhka u jiideyn, iyada oo ay tahay inay xoojiyaan dawladaha danaha iyo maacaamilka dheer innaga dhexeeyo. Waxa kale oo muhiim ah in hadlka ka soo yeedhay dawladda Masar lagaga jawaabo mid diblomaasiyadeed oo saameyn ku yeelata in aaney dib u dhicin taasoo kale. Reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa iney meel uga soo wada jeestaan sidii ay u kala ogaan lahaayeen cidda dan u ah iyo cidda aan u aheyn, waayo labaduba saameyn weyn ayey ku yeelan karaan nabadda, xasilloonida iyo degenaanshaha aynu ku taamayno. Waxa kale oo waajib ah in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ay dhawaaqeeda gaadhsiiso meel dhaafsiisan inta hadda jirta.