Araweelo News Network

soomaalidalkamasarlaguqashayAlexandria(ANN) Maydadka Sagaal qof oo Soomaali ah, ayaa laga helay Xeebta dalka Masar ee Magaalada Andalusia, kuwaas oo dhamaantood lagala baxay beerka iyo kelyaha, kadibna dib loo tolay oo lagu daadiyay halkaa.
Booliska Dalka Masar, ayaa dhacdadaa maalmihii lasoo dhaafay shaaciyay, iyagoo sheegay in la baadhayo sababta falkaa arxandarada ah loogu fuliyay dadkaa Soomaalida ah oo isgu jira caruur yar yra iyo dad waaweyn oo ay ku jirto Hooyo dhashay dhawr caruur ah oo ka mid ah dadkaa.
dadka lagala baxay Beerka iyo Keliyaha ayaa ka mid ahaa sida ay wararku sheegayaan dadka Soomaalida ee inta baddan dalka Masar doonaya inay usii dhaafaan dhinaca dalalka Yurub, waxaana la aqoonsaday dadkaa Soomaalida ah, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay dad kale la kulmeen falalka noocan ah dalka Masar