Araweelo News Network

gaafaadhiHargeysa(ANN) Xisbiga KULMIYE, ayaa go’aan kasoo saaray Laba Xubnood oo ka tirsan Hoggaanka Xisbiga iyo shan xubnood oo ka mid ahaa wasiiro iska casilay Xukuumadda, kuwaas oo la baxay garabka Isbedel doonka Dumuqraadiyada ee KULMIYE, balse dhowaan wadahadal la galay Xisbiga Mucaardka ee WADDANI.
Qoraal ay soo saareen Xisbiga KULMIYE maanta, waxay ku sheegeen in shantaa xubnood Guddida Fulinta ee Xisbigu go’aan ka gaadheen. Kadib markii hore looga saaray Xisbiga ee ay waayeen xubnimadii. Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalkaa in laba xubnood oo ka tirsan Hoggaanka Xisbiga, isla markaana ka mid ahaa xulufada kooxdaa dacwadoodu hortaal guddida fulinta ee Xisbiga.
Qoraalka kasoo baxay Xisbiga KULMIYE, ayaa u dhinaa sidan:-
“Go’aanka ay soo saareen Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE
Ujeedo: Go’aanka Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE.

Shir ay yeesheen Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka dhacay xarunta xisbiga KULMIYE caawa oo ay bishu tahay April 2, 2016, dood iyo falanqayn kadib, Guddida Fulintu waxa uu isku raacay qodobbadda soo socda:

1. Waxa la ansixiyey go’aankii hore uu Guddoomiyaha xisbigu uga soo saaray shantii xubnood ee caddaynayey sababaha ay ku lumiyeen xilalkii kala duwanaa iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbiga KULMIYE kadib markii ay wadahadal toos ah la fureen axsaabta mucaaradka ah. Xubnahaasi waxay kala yihiin:
– Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
– Cabdirisaaq Khaliif Axmed
– Xusseen Axmed Caydiid
– Faarax Cilmi Geedoole
– Cali Cabdi Saa’iq

2. Waxa kale oo Guddoomiyaha xisbigu soo hordhigay shirka Guddida Fulinta eedayn ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, isla markaana ah labaduba xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada JSL. Dacwadoodaa waxa soo darsaya xubnaha Guddida Fulinta, waxaanna loo ballamay in go’aan laga gaadho shirka dambe ee Guddida Fulintu isugu iman doonto.’ayaa lagu yidhi qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE, Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
Dhinaca kale xubnahaa, ayaa hore ugu gacansaydhay sharciyada lagaga saaray xisbiga iyo sida ay ku waayi karaan xubinimada Xisbiga, iyagoo hore u diiday go’aanka Xisbiga lagaga saaray.