Araweelo News Network
Boorama (ANN) Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), si ba’an uga dayriyey nolosha kumanaan qof oo ku caydhoobay abaarta halista ah ee ka jirta dalka, gaar ahaan galbeedka Somaliland.
Md. Cabdiraxmaan Saylici oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayo u joogaan Gobollada Awdal iyo Salal hawlgal gurmad cunto iyo biyo loogu qaybinayo dadka ku dhibaatoobay abaarta, ayaa sheegay in ay halis ku jiraan nolosha ugu yaraan 20 kun qoys oo ku dhaqan gobollada Awdal iyo Salal, isla markaana ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, iyadoo ay ka sii darayso xaaladda deegaamada xeebta oo abaartu si xun u saamaysay.
“Dadkii soo hayaamay ee xeebta u soo dhaadhacay oo nugulkii ah, xoolihiina ay ka baxeen iyo dadkeennii deegaanadaa deganaa oo iyagana abaartu ku saddex jirsatay oo jilicsan ayaa is dulyaala oo xaaladoodu halis ku jirtaa. Waxaanay gaadhayaan dadka dhibaataysan ee gurmadka iyo samato-bixinta u baahani ugu yaraan ilaa 20 kun oo qoys oo isugu jira soo-guurtadii iyo dadkii xoolo-dhaqatada ahaa ee deegaanadaa deganaa, waxaanay 20-ka kun ee qoys filiqsan yihiin deegaannada Gobollada Awdal iyo Salal,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama oo uu ku soo laabtay shalay, waxaannu intaa ku daray hadalkiisa, “Intii aannu socdaalkan ku gudo jirnay waxaannu dadka gaadhsiinay cuntooyin kala gedisan oo isugu jira kuwa degdega ah sida Timir, Buskud iyo Roodhi, raashin kale iyo Biyo. Dadka xoolihii way ka baxeen inta u hadhayna way jilicsan yihiin oo xaalad adag ayey ku jiraan, dadkuna aad ayey u jilicsan yihiin.”
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay in aannu si buuxda ugu wada hirgalin qorshe ay ku doonayeen in la daad-gureeyo dadka ka soo jeeda deegaannada dalka Itoobiya ee xeebta abaartu ku qabsatay, kuwaas oo markii taakulo la gaadhsiiyey loo diyaariyey gaadiid qaada, balse wax ka yar 20% keliya ay ogolaadeen in la celiyo, maadaama ay ku doodeen buu yidhi, “Dadku waxay yidhaahdeen halkii aannu ka soo hayaanay nololi kama jirto oo dhibaatadii abaarta ee aannu kaga nimi oo ka sii dartay ayaa ka jirta xoolo aannu la noqonana ma haysano oo xoolihii way naga baxeen. Midda kale dad in la raro xamilayaba maaha oo waa nugulkii jilicsanaa oo ay baahiduna u dheer tahay. Markaa waxaanu rarnay intaanu joognay 20 gaadhi oo 15 baabuur waxaanu ku rarnay dadkii, 5 gaadhina waxaannu ku qaadnay xoolihii, halkaa waxaad ka garanaysaa 15 ka gaadhi dadka lagu raray ee xoolohoodiina shan gaadhi ay noqdeen sida dadka xooluhu uga baxeen.”
“Markaa iminka waxaannu qorshaynay in dadkan halkooda wax lagu siiyo, isla markaana gurmadku socdo, ALLE barigana la joogteeyo, sababtoo ah dhibaatada meesha taalaa maaha mid gacan aadami ay dabooli karayso ee ALLE oo kaliya ayaa dhibaatadaa abaarta innaga dulqaadi kara, RABBI ayaanan ka baryaynaa inuu innoo naxariisto oo uu abaarta innaga soo jabiyo,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu mar kale ugu baaqay shacabka reer Somaliland iyo beesha caalamkaba inay ka qaybgalaan caawimada gurmadka dadka dhibaataysan oo u baahan gargaar degdeg ah oo cunto iyo biyo ugu mudan yihiin, isagoo xusay in aanay ilaa hadda jirin wax taageero ah oo ka yimi dalalka jaarka iyo beesha caalamka toona, marka laga reebo dalal ka mid ah kuwa Carabta iyo hay’ado bixiyey ballanqaad ay kaga qaybgalaan gurmadka.
“Dadka wax ay cunaan iyo dawo intii haynteennu ahayd waanu gaadhsiinay, waxa kale oo aannu hawlgelinay lix ceel biyood oo deegaanada xeebta u badan oo aannu siinay markii hore toddoba casho shidaal ay ku shaqeeyaan si ay dadka biyaha u gaadhsiiyaan oo ay lacag la’aan dadka ugu waraabiyaan booyadihiina waanu uga nimi oo ceelasha ayey biyaha ka qaadayaan oo dadka ayey gaadhsiinayaan, waxaannuna lixdaa ceel uga nimi shidaal ay ku shaqeeyaan 14 casho oo xidhiidh ah oo habeen iyo maalin ah si ay dadka u waraabiyaan, sababtoo ah dadku ma haystaan waxay biyo ku iibsadaan oo xoolihii way ka baxeen, mana awoodaan inay biyo dhaansadaan.”
“Waxaanu aragnay iyo sidaanu moodaynay aad ayey u kala duwan yihiin, dadkuna wuu jilicsan yahay, xoolihiina way ka baxeen. Waxaanan beesha caalamka ugu baaqayaa inay u soo gurmadaan dadka abaaraha ku waxyeeloobay oo ugu yaraan 20 kun oo qoys ay halis ugu jiraan dhibaatada abaarta, taasoo ka weyn, kana awood badan haynta xukuumadda Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.