Araweelo News Network

muj cali gurayHargeysa(ANN)Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa sheegay in aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen yahay murrashaxa rasmiga ah ee xisbigooda.
Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal uu soo saaray Md. Cali Maxamed Yuusuf, isagoo faahfaahin ka bixiyey qodobada xeerka xisbiga UCID ee lagu qeexay murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan;
“QODABADA XEERKA UCID
Qodobka 27aad
Murrashxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka
Xarafka 1aad
Murrashaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen waxa dooranaaya Golaha Dhexe ee xisbiga.
Xarafka 2aad
Murrashaxnimada jagooyinka madaxweyne iyo ku-xigeenka iyo xubinnimada hoggaanka sare ee Xisbigu way kala madaxbannaan yihiin.
Xarafka 3aad
Xubinna looma sharraxi karo murrashax madaxweyne ama ku-xigeen wax ka badan laba jeer.
QODOBKA 16AAD
Hawlaha Golaha Dhexe
Xarafka 9aad ‘Golaha Dhexe wuxuu ansixinayaa heshiisyada uu xisbigu la galo xisbi ama cid kale (dhinaca kale)
Xarafka 10aad
Golaha Dhexe wuxuu u coddaynayaa cidda noqonaysa murrashaxa madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.”
Waxa kaloo Cali-guray ka hadlay shirkii Golaha Dhexe ee lagu doortay murrashaxiinta xisbiga UCID, isla markaana lagu ansixiyey heshiiskii ay wada galeen UCID iyo garabkii UDUB ee uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen.
“Kal-fadhigii Golaha Dhexe ee qabsoomay bishii October 2012 wuxuu ansixiyay heshiiskii labada dhinac ee UCID iyo dhinicii UDUB ee Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayay, waxaanna la doortay murrashaxiinta u tartami doonta doorashada madaxtooyada oo loo kala doortay;
– Murrashaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen
– Murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan, waxana u codeeyay dhammaan xubnihii fadhiyay oo ahaa kuwii lagu doortay Shirwaynihii Xisbiga UCID, cid diidayna may jirin.
Taariikhdu markii ay ahayd 28kii October 2012 ayuu Guddoomiyaha UCID Mudane Faysal Cali Xuseen u gudbiyey xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Guddida Diwaangelinta iyo kala-saarista Ururrada nuqulo ah go’aamadii Kal-fadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo ay ku cad yihiin murrashaxiinta xisbiga UCID ee jagooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne-xigeenka oo kala ah; Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan.
Inta ka dib arrinta murrashaxiintu way ka baxday gacanta xisbiga oo waxay gacanta u gashay Komishanka Doorashooyinka si ay uga gutaan waajibkooda- u hubiyaan in ay shuruudihii looga baahnaa buuxinayaan iyo in kale. Haddii aanay buuxinayn Komishanku wuxuu xaq u lahaa inuu dib ugu soo celiyo xisbiga haddii ay buuxiyeena ay rasmi ahaan uga aqbalaan.
Heerkaa marka ay gaadho xisbigu xaq uma laha inuu cid kale ka daba keeno oo beddela kuwii hore ee Komishanku hayay haddii aanun/aanay bannayn jagadii uu murrashaxa u ahaa ama ahaayeen, taasoo sida sharcigu dhigayo ku bannaanaan karta:
– Murrashaxa oo iskii isu casila
– Isaga oo dambi ciqaab (criminal case) ah gala inta uu murrashaxa yahay
– Isaga oo geeriyooda
Saddexdaad mid ka mid ah haddii ay dhacaan ayuu go’aanku dib ugu noqon karaa gacanta xisbiga iyo Golihiisa Dhexe si ay waajibkooda mar kale uga gutaan oo jagadii bannaanaatay u soo buuxiyaan.
Haddaba, marka hore meel uu sharciga kaga jiro wax la yidhaa murrashax ku-meel-gaadh ah amma aan rasmi ahayn ma jirto ku xisbi iyo ku qaran midnaba.
Sidaa daraadeed, Jamaal Cali Xuseen ayaa ilaa hadda ah murrashaxa jagada Madaxwaynaha ee xisbiga UCID. Tuug ma xado. Waxay jagada murrashaxnimadiisu ku bannaanaan kartaa keliya isagoo iskii isaga casila, gala dambi ah Criminal Case ah iyo isagoo ay tiisi timaad oo geeriyooda.
Haddaba, in kastoo aannu wax sharci la yidhaahdo ka shaqayn dhinaca Faysal, cid uu xoog iyo sharci-darro wax kaga qaadi karaana aanay jirin, waddadee ayuu u mari karaa murrashaxnimada jagada Madaxwayne ee Jamaal haysto? Wuxuu u baahan yahay talo dhinaca sharciga ah. Cidda u wakiillatay dagaalka burburinta UCID ilaa hadda maxaa guulo ah ee uu u sheegi karaa? Ma jirto gardarada qaawan uu kula kacay Jamaal Cali Xuseen isaga iyo ciddii qandaraaska uu ka soo qaatayna way qaawisay, dadkana wax bay fahamsiisay haddii cid ka faa’iiday ay jirto wuxuu noqon karaa ka laga gardaran yahay.
Faysal Cali Xuseen (Guddoomiyaha UCID) iyo Jamaal Cali Xuseen (murrashaxa UCID) waxay wada galeen wacad Alleh, qof muslin ah oo diin, millad iyo iimaan lihi haddii uu wacad galo kama baxo ee wuu oofiyaa, Ilaahayna wuxuu ina faray in haddii wacad la galo la oofiyo, oo wacadku yahay masuuliyad.
Faysal iyo dadka inta in lexejeclo ka qabta ee wanaagiisa jecel oo dhan waxay ku kala tegeen; “Waar in aan wacad Alleh ku qaban ha ka bixin wacadkii aad gashay, xisbigaagana ha u loogin xisbi kale.”
Dhegta kale, waxaa afka ugu haya kuwo iyaguna ku leh; “ka bax wacadkii aad la gashay Jamaal oo ka qaad murrashaxnimada, si xisbigaagu u burburo, taasoo murrashaxa KULMIYE u arko dantiisa, laakiin uu ku hungoobi doono.
Ninkaa odayga ah (Muuse Biixi Cabdi) waxay kaga dhegen tahay haddii aan ii burburin Saldanadda Subayr Awal iyo Xisbiga UCID talo tayda maaha, madaxwaynena noqon maayo. Yaab waar ninka ma faal baa u qabtay,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee xisbiga UCID.