Araweelo News Network
Washington(ANN)Af-hayeenka ciidanka Badda Mareykanka Col. Fleet Kevin Stephen ayaa Telefeshinka CNN, ee laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa ka hadlay Dooni siday Hub oo ay Todobaadkan Ciidamada Faransiisku ku qabteen Badweynta India.
Doonidaa oo aan la aqoonsan cidii lahayd iyo halka loo waday Hubkaa, ayaa warar hore oo markii la qabtay soo baxeen sheegayeen in loo waday Somalia, isagoo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ka hadlay sheegay in Hubka loo waday Kooxaha dagaalka kula jira.
Hase yeeshee Af-hayeenka ciidanka Badda Mareykanka Col. Fleet Kevin Stephen ayaa Telefeshinka CNN u sheegay in baadhitaano wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada Faransiiska iyo Mareykanka ay ku ogaadeen in Doonta hubka sidday ay kusii jeeday wadanka Yemen, taas oo ay sheegeen inay dhinaca dalka Iiraan ka keentay Hubkaa.
Col. Fleet Kevin Stephen waxa uu sheegtay in Hubka la qabtay uu ahaa mid loo waday maleeshiyaadka Xuutiyiinta dagaalka adag uga jira gobollo ka tirsan wadanka Yemen, Xukuumadda Madaxweyneheedu dalka Sucuudiga dibad wareega ku yahay Abdo Rabbo Mansoor oo ay wadamada Khaliijku taageeraan.
Af-hayeenka u hadlay Ciidamada Badda Mareykanka, ayaa beeniyay war kasoo baxay dowladda Somalia oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in Doonida Hubka ee ciidanka Faransiisku qabteen ay kusoo jeedday Soomaaliya.
Dalka Yemen waxa ka socda dagaalo sanad jirsaday oo ay ku hirdamayaan Madaxweyne Abdo rabbo Mansoor oo taageero ka haysta dalalka Khaliijka iyo Malayshiyada Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga Ciidamada Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo inta baddan dalka gacanta ku haya, iyadoo Xuutiyiintu taageero Milateri iyo mid siyaasadeed ka haysta dalka Iran, waxaana sidaan oo kale Bishii lasoo dhaafay la qabtay Badweynata India Doon hub casri ah u sidday kooxaha Xuuthiyiinta, taas oo la rumaysan yahay inay shixnada Hubka kasoo qaaday dalka Iran.