Araweelo News Network
komishanka1
Hargeysa(ANN) Komishinka Doorashooyinka Qaranka , ayaa markii u horaysay ka hadlay mawqifkooda hakinta hawsha diiwaangelinta doorashooyinka, kadib markii Madaxweyne Siilaanyo oo kulan la yeeshay hay’addaha Qaranka Somaliland , sida labada gole Baarlamaan, Axsaabta iyo Komishanka uu go’aan kusoo saaray in dib loo dhigo Diiwangelinta codbixiyaha Somaliland muddo Bil ah.

Xubnaha Guddida Doorashooyinka oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda Hargeysa maanta, waxa ay sheegeen inay heleen laba qoraal oo uga yimi Madaxweynaha Somaliland, “Kuwaas oo uu midkood kaga codsaday in muddo hal bil ah dib loo dhigo diiwaangelinta codbixiyaha, ta kalena ku ogaysinayey inuu Golaha Wakiillada u gudbiyey warqad uu kaga dalbaday in wax-ka-beddel lagu sameeyo laba qodob oo ka mid ah Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha si aanay doorashadu waqtigeeda dib uga dhicin.”
“Bilowgii Diiwaangelintu waxa uu la kawsaday abaaro baahsan. Abaarahaasi waxay ahaayeen kuwo sii baahaya oo sii weynaanaya. Komishanka Doorashooyinka waxa shalay oo bisha March ahayd 30, 2016 [Arbacadii] waxa soo gaadhay qoraal uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) soo qoray oo uu go’aamiyey in la hakiyo diiwaangelinta codbixiyayaasha muddo bil ah oo ah bisha April ee soo socota ee 2016, sababta uu warqadda u soo qorayna waxay la xidhiidhay abaaraha ka sii daraya ee dalka ka jira.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Mr. Siciid Cali Muuse, isagoo intaas ku daray; “Waxa kaloo uu qoraalka Madaxweynuhu go’aamiyey ku cad in aan doorashadu dib uga dhici doonin xilligii loo qorsheeyey oo ah bisha March 27, 2017-ka.”
Sidoo kale, Afhayeenku waxa uu sheegay in Madaxweynuhu u caddeeyey inuu ka codsaday Golaha Wakiillada in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobo ku jira xeerka diwaangelinta codbixiyeyaasha oo jidaynaya in liiska codbixiyeyaasha la soo saaro lix bilood ka hor maalinta doorashooyinka, laguna beddelo in liiska la diyaariyo lix bilood gudahood.
“Sidaa awgeed, Guddida Doorashooyinka Qaranka wuxuu fulinayaa go’aanka Madaxweynaha ee ku suntan warqadda lambarkeedu yahay JSL/M/KDQ/049393603/2016 ee hakinta diiwaangelinta codbixiyayaasha muddada bisha ah. Waxa uu Guddida Doorashooyinka Qaranku Ilaahay uga baryayaa bulshada Somaliland inuu abaaraha ka dul qaado,” ayuu yidhi Siciid Cali Muuse oo caddeeyey inay Komishanku ayideen go’aanka goleyaasha qaranka iyo asxaabta siyaasaddu ku hakiyeen hawshii diiwaangelinta, inkastoo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ka soo horjeestay.
Afhayeenka Komishanka oo la weydiiyey in waqtiga lagu saxayo diiwaangelinta codbixiyaha, liisaska oo dhammaystiranna lagu soo saarayo ay keeni karaan dib-u-dhac ku yimaad doorashada, waxa uu ku jawaabay, “Waxaad og tihiin in muddo Komishanka Doorashooyinka uu horyaallay waqtiga lixda bilood ahayd ee sharcigu dhigayey. Taasi waxay ahayd arrin aannu ka cararaynay, waqtigana aannu doonaynay in si fiican aannu ugu dhammaystirno hawsha. Haddii warqaddan Madaxweynuhu u diray Barlamaanka hirgasho waxa aad mooddaa in aannu waqtiga waxba iska beddelayn sidii hore aan qorshaysannay.”
Komishanka Doorashooyinka, ayaa sidoo kale ka hadlay ololaha xisbiyada qaranku bilaabaan waqtiga lagu jiro diwaangelinta codbixiyeyaasha.
“Sidaad sheegtay xilligii ololaha lama gaadhin, markii aannu aragnay xisbiyada qaar ay ka dhex bilaabeen waxaannu u soo saarnay digniin, digniinta labaadna guddiga anshaxa ayaa soo saaray, wixii ka dambeeya guddiga ayaa ka fadhiisan doona wixii lagu ciqaab marinayo haddii ay u dhego nuglaan waayeen,” ayuu yidhi komishineer Cabdiraxmaan Cismaan Aadan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ay ka yeelayaan ololeyaasha xisbiyada qaranka qaarkood ka bilaabeen, iyadoo aan la gaadhin waqtigii loogu talogalay.
Waxa kaloo la su’aalay in go’aanka hakinka diiwaangelinta codbixiyeyaashu khilaaf ka dhex abuuray xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxana su’aashaas ka jawaabay Guddoomiye Cabdulqaadir Iimaan Warsame, waxaannu yidhi; “Waxa aan saxaafadda uga faa’iidaysanaya in aan sida ugu habboon u wada shaqaynno; masayrkii qaranka ayaannu haynnaa. Diiwaangelintu waa masayrkii qaranka, su’aalaha iyo qoraalka aad qoraysaanna inta badan waa inaad ka fiirsataan. Arrintaa aad ka dhawaajisay wax allaale wax ka jiraa ma jiraan, waana arrin mala-awaal iyo been-abuur ah. Wax khilaaf ah oo Komishinka u dhexeeyaa ma jiro… Waad arkaysaan waa guddi wada-tashi, shaqo kasta oo soo dhexmartana wada-tashi ku dhammeeya oo is oggol.”