Araweelo News Network

mfarahqotiHargeysa(ANN)Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo magaciisu yahay Mr. Maxamed Faarax Qoti, ayaa tacadiyo fool xun loogu gaystay gudaha saldhiga dhexe ee booliska magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ku xidhnaa muddo laba maalmood ah.
Mr. Maxamed Faarax Qoti oo lagu xidhay amar ka soo baxay Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Md. Xasan Daahir Dhimbiil maalintii Sabtida ee toddobaadkan, isagoo xoriyadiisa loo celiyey gelinkii dambe ee shalay, waxa muddada uu xidhnaa dagaal gacanta ah ku qaaday Taliyaha saldhiga dhexe ee booliska Haregysa Mr. Maxamed Case, iyadoo sidoo kale loo diiday in ehelkiisa iyo asxaabtiisu ku booqdaan halka uu ku xidhnaa.
“Gelinkii hore ee maalintii Sabtida ayaa la igu xidhay Saldhiga Dhexe ee Booliska Hargeysa, waxa la igu xidhay qol yar, balse muddo yar kadib waxa saldhiga la soo geliyey nin dhallinyaro ah oo bahda saafada ka tirsan oo qaylinayey, afkana dhiig ku leh, iyadoo la geeyey qol cidlo ah, kadib waxa aan askarta ku idhi waar ninkan u naxariista, haddii kale anniga qolka igula xidha,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Faarax Qoti oo saxaafadda la hadlay markii xoriyadiisa loo soo celiyey gelinkii dambe ee shalay.
Waxaannu intaas ku daray; “Kadib, Taliyaha Saldhiga Mr. Maxamed Case iyo nin kale oo askari ah ayaa qolkii iigu soo galay, iyagoo igu yidhi maxaa adiga kaa galay ninkan la soo xidhay, waxaannu taliyuhu igu bilaabay dagaal gacan-ka-hadal ah oo dhawr jeer ayuu looto igu dhuftay, markii dambena sanka ayuu looto igaga dhuftay, waxaanna iga yimmi dhiig aad u badan, iyagoo xoog igaga saaray qolkii, la inna geeyey mid kale oo bilaa suuli ah.”
Sarkaalka ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo markii la soo daayey shaadhkiisu dhiig badan lahaa, waxa uu sheegay in loo diiday in cid ku booqato saldhiga, arrintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay tacadi ka dhan ah xuquuqaha uu leeyahay qofka maxbuuska ah.
Waxa kaloo uu ugu baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, bahda caddaaladda iyo golayaasha qaranka in wax laga qabto dhibaatooyinka iyo tacadiyada lagula kacay muddada uu ku jiray Saldhiga Dhexe ee Booliska ee magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale xadgubyada jidh-dilka dulmiga saldhiga dhexe ee Hargeysa maaha kuwo ku kooban ama uu la kulmay sarkaalka wasaaradda. Caafimaadka, balse waa mid ay la kulmaan dadka muwaadiniinta ee lagu xidhaa, iyadoo maxaabiistu kala kulmaan saldhiga dhexe ee Hargeysa tacadiyo iyo jidh-dil, waxayna tacadiyada iyo jidh-dilka ka dhaca ee saldhigu caanka ku noqday u baahan yihiin in cadaaladda lahorgeeyo kuwa samaynaya.