Araweelo News Network

gurmadkaabarta4Geerrisa(ANN)Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa taakulo jal ah gaadhsiiyey Deegaamo ka tirsan Gobolada ay Abaarta ba’an ee dalka ka jirtaa sida xun u saameysay, gaar ahaan deegaanka fog ee dhinaca galbeedka.

Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran cadde, xubnona ay ka yihiin Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, xubno kamid ah Guddida Abaaraha Qaranka iyo saraakiil kale oo ka socda laamaha dawladda, ayaa maanta Mucaawimo isugu jirta Cuntooyin fudud, Biyo iyo Daawo gaadhsiiyey qoysas tiro badan oo ay abaartu ku saameysay duleedka Deegaanka Geerrisa oo dhacda soohdinta Gobolada Selel iyo Awdal ee gubanka waqooyiga ee galbeedka Somaliland.
gurmnadkaabarta1
Dadkan oo ah qoysas Xoolo dhaqato oo ay duunyada badankoodii kaga baxday abaarta, isla markaana diifta iyo daranyada ay abaartu huwisay darteed bacad yaal noqday, kuna teedsan dhamaan jihooyinka Deegaanka Geerisa, waxaana intii qaybinta Taakuladda lagu gudo jiray, waxa barbar socotay xaqiiqo raadin weftigu ugu kuur-gelayeen Xaalada Dadkaasi iyo baahiyahooda ugu daran xilligan.
gurmadkaabarta4

gurmadkaabarta3
Deegaamada weftigu gelinkii hore ee saaka ka bilaabay waxa kamid ah Deegaanka Beeyo galaad iyo naaxigeedka oo dhowr goobood boqolaal Qoys loogu qaybiyey Biyo iyo Cuntooyin, halka kuwo xaalad caafimaad daro lagula kulmay ay u fidiyeen gurmad deg deg ah oo caafimaad.

Xubno kamid ah Hooyooyin dusha ku siday carruur aad u yar yar oo bilihii la soo dhaafay dhashay, kuwaasoo ay ka muuqatay nafaqo daro iyo tabcaan badani, ayaa weftiga u sheegay inay caydh iyo cado nool noqdeen Bulshada jiidan ku dhaqan.DSC07195

“xoolihii way dhamaadeen, dadkuna waxba lama noola, dawladdu hadday noo soo gurmatay waxaanu leenahay baahidayadu maanta waa mid culus oo dad dhintay ayuunbaan iminka la aasin, dadkuse waa liitaa” sidaas sheegay mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Beenyo Gaalaad.
gurmadkaabarta3
Wax ay intaas ku dareen dadka deegaanka Taakulada la gaadhsiiyey, in halista ugu daran ay soo foodsaartay dadka maatada ah ee Jilicsan, sida Haweenka iyo Carruurta. “raashin iminka haddaad I siisaan waxaan ku qaato ma haysto, gaadiid la’aan darteed”ayey tidhi haweenay Ilmo yar dhabarka ku siday oo aad u tabaalaysnayd, taasoo welwel ka muujisay mustaqbalka nololeed ee bulshada halkan ku dhaqan.DSC07200

Dhamaan baahiyaha daruuriyaadka aasaasiga ah, ayey sheegeen inay u baahanyihiin, sida Biyo, Cunto iyo Caafimaad. Kuwo kale oo kamid ahina waxay dalabkooda ku dareen in gurmad gaadiid lagu caawiyo, si ay cagahooda ugaga cararaan abaarta ku habsatay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Cali Maxamed Warancadde, markii howl-galkan gurmadka ahi dhamaaday Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay ku soo arkeen Deegaamadan, taakulada ay qaybiyeen, qorshaha xukuumad ahaan uga yaalla samo-bixinta qoysaskan iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay inay dawladdu gurmad intii karaankeeda ah u fidin doonto Qoysaskan reer Guuraaga ah. “xukuumaddu waxay ku dedaalaysaa inay intii karaankeeda ah u gurmato dadkaas”. “waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dhamaan horumarka oo dhan oo laga wada qayb-qaato howshan culus ee gurmadka” ayuu raaciyey hadalkiisa wasiir Waran-cadde.

Wasiir Cali Waran cadde, waxa kale oo uu baaq u diray qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamka, kuwaasoo uu ugu baaqay inay kaalmo bina-aadannimo oo deg deg ah la soo gaadhaan.

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa waxa ay deegaankan Geerisa ku sii sugnaan doonaan dhowr maalmood oo dambe, iyadoo la filayo inay soo gaadhaan Mucaawimooyin kale oo Miisaan leh, taasoo loo qaybin doono dadka ku tabaalaysan jiidaas.