Qodobbo Muhiim ah oo Laga soo Saaray Cilmi-baadhis Socotay in ka Badan 75 Sanno

Khubaro cilmi-nafsiga iyo xannuunada maskaxda ku takhasusay oo ka tirsan Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka, ayaa cilmi-baadhis ay sameeyeen ku sheegay in qofka oo caan noqda iyo guuluhu aanay dadka u keenin caafimaad iyo farxad midna, balse xidhiidh wanaaga iyo caafimaad-qabtu yihiin waxyaabaha qofka u horseeda degenaanshaha iyo farxadda nolosha.
Khabiir magaciisa la yidhaah Robert Waldinger oo ka mid ah kooxda diyaarisay cilmi-baadhista, ayaa sheegay in daraasad laga qaaday dadweyne amma jiilal kala duwan oo la bilaabay sannadkii 1930-kii lagu oggaaday arrimo muhiim ah oo hormood ka ah farxadda iyo caafimaadka, isagoo tilmaamay in muddadaas laba kooxood oo rag ah lagu daba jiray, kuwaasoo ka mid ahaa ardayda wax ka barta Jaamacadda Harvard ee waddanka Maraykanka.
Sida lagu baahiyey New York Times oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, dadka cilmi-baadhistan qayb ka ahaa waxa ku jiray Madaxweyne John F. Kennedy iyo wiilal dhallinyaro ah oo la noola qoysaskooda oo sabool ah, kuna dhaqnaa duleedka magaalada Boston ee dalka Maraykanka, kuwaas la mariyey kombuyuutar maskaxda ah (Brain scan), warraysiyo laga warraysanayey nolosha qoyskooda iyo baadhitaan caafimaad.
Cilmi-baadhistan oo socotay muddo ka badan 75 sanno, waxa laga soo saaray waxyaabo maxsuul ah oo farxadda iyo caafimaadka hormood ka ah, kuwaasoo qodobbada ugu waaweyn ay yihiin;
Dadka bulshada ku xidhan waa kuwo farxad badan, jidh ahaanna caafimaad qaba, cimrigooduna dheeraado.
Tayada iyo tirada, marka ay timaad xidhiidhada qofku leeyahay, waxa caafimaadka muhiim u ah in qofku xidhiidhka uu dadka la leeyahay ku qanacsan yahay.
Guurka khilaafku ku badan yahay waxa uu ku dambeeya furriin xun oo cafimaad-darro lammaanaha ku keena, halka xidhiidhka wanaagsan aan macnahiisu ahayn in labada qof kala tegi karaan, balse aaminaada, isku kalsoonida iyo ixtiraamku waa farxadda iyo caafimaadka wanaagsan ee lammaanaha is qaba.
Kalinimada amma in qofku goonni-socod noqdo way dishaa. In qofku dareemo goonni amma kalinimo waa mid sun ah, sababtoo ah dadka goonni-socodka ah amma dadka ka fogaada waa kuwo aan faraxsanayn, caafimaadkooduna aannu sii wanaagsanaan, habka maskaxdoodu u shaqayso hoos-u-dhac baa ku yimaad, aakhirkana xannuuno ku dhaca aawadeed buu cimrigoodu u soo gaabtaa (waa haddii Ilaahay (SWT) uu sidaas qadaro).

Da’yarta Waqtigan Waxa ay Hurdada ka Door-bidaan Isticmaalka Internetka iyo Xorriyatul-qawlka
Sida lagu sheegay daraasad cusub dhawaan, dhallinyarada amma da’yarta jooga waqtigan casriga ah, ayaa hurdada habeennimo ee daruuriga ah ka door-bida isticmaalka internet-a iyo in ay isticmaalaan baraha bulshada (social media).
Xog-ururin laga qaaday dhallinyaro da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 25 sanno jir, ayaa dibadda u soo saartay in da’yarta waqtigan ay badankoodu jeclaystaan in habeenkii ay internet isticmaalaan, halka ay hurdo fiican heli lahaayeen.
Sidoo kale, waxa ugu badan ee ay aad u jecel yihiin da’yarta waqtigan ee daraasado dibadda u soo saartay waa xorriyatul-qawlka amma in ay si xor ah u hadlaan oo wax xakameeyaa aannu jirin.
Xarun la yidhaa Hillarys Blinds oo ku taal magaalada Nottingham ee dalka Ingiriiska, ayaa xogtan ka ururisay 2,465 da’yar ah oo ku jira waqtiga ugu muhiimsan nolosha dhallinyaranimo.
Waxa ugu fiican ee ay ogolaadeen 81% waa in xorriyatul-qawlku muhiim u yahay nolosha, halka isticmaalka internetku ay ku sheegeen in 69% uu muhiim u yahay hab nololeedkooda. Laydhka amma iftiinka maalinimana waxa ay ku sheegeen in 64% muhiim u yahay nolosha.
Hurdo fiican oo ay habeenkii helaan waxa ay sheegeen in aanay muhiimad u lahayn oo 11% ay danaynayaan, xataa waxa ay ka hoosaysay inta qofka baabuurka wadda loo ogol yahay in aanu ka hoosay oo ah in 17% uu hurdo helay.
Geesta kale, waxa ay sheegeen biyo kulul iyo cunto caafimaad leh in ay 57% iyo 43% muhiim u yihiin oo ay danaynayaan, halka baasaboor heliduna noqotay ta ugu yar ee ay jecel yihiin, waxaana ka sarraysa uun daryeel caafimaad oo ka muuqatay in aanay ahmiyad siin markii xogta laga ururinaayey.
Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay wargeyska Psychonomic Bulletin and Review oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay xogtan kaga qaadday telefoonka gacanta, iyadoo qof kasta ka codsatay inuu buuxiyo su’aalo badan oo arrimahan taabanayey.