Wuxuu ahaa Nin ay Bulshada Somaliland jeclayd inay arkaan isagoo Madaxweyne ah, sababtoo ah waxay rumaysanaayeen inuu abuuri Karo qaran gob ah, kasoo ay filayeen in taariikhdiisu ku qoranto liiska kuwa ku guulaysta inay dadkooda ku xoreeyaan saboolnimada, cudurada iyo shaxaadka waddamada kale.
Haseyeeshee Isaga laftiisa waxa isu cadaysay, taas oo meesha ka saartay wixii uu isku tuhmayay ee ahaa inuu seeska u dhigikaro qaran gob ah, balse dhamaan riyooyinkaa ayaa meesha ka baxay, mana filayo inuu amaan igaga helayo xidhxidhka wadooyin yar yar iyo dhismaaal xafiisyo xadhiga laga jaraa.
Waxa hubaal ah in qarankani ku lugay hoggaan-xumo ragaadisay, waxa ayaabdaro ah in iyadoo la ogyahay dibaatada maanta haysta bulshada gaar ahaan xàalada galbeedka Somaliland iyo abaaraha ba’an ee galaafatay nolosha dadka iyo duunyada, waxayse nasiibdaradu tahay dadka dhibaatadu haysato ee laysku dul haysto, iyadoo kaanbayn ay ku loolanayaan hoggaamiyayaashu axsaabtu, tani waa calaamad si cad u muujinayay heerka damiirka hoggaamiyayaasha Somaliland.

Waa Hubaal in Qarankani ku Lugo’ay Hoggaan Sumo
By admiral abdirahman Ali