Araweelo News Network
Mogadishu(ANN)Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay, in ciidamo si gaara ah u tababaran oo ajaaniib ah oo ku duulayay laba diyaaradood ay weerar ku qaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab ee Soomaaliya saqdii dhexe ee xalay deegaanka magaalada Aw-Dheegle oo qiyaastii 50 KM dhanka galbeed ka xigta caasimada Muqdisho.
Weerarka oo habeenimadii ay qaadeen ciidamada, ayaa lala beegtay goobo bartimaameed Al-Shabaab ku leeyihiin halkaa, waxayna masuuliyiinta Xukuumadda Somalia sheegeen in ugu yaraaan 15 ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab lagu dilay weerarkaa oo socday ku dhowaad saacad, isla markaana ay ku qaadeen dayuurado dagaal iyo Helikobtaro aan la garanayn cida leh.
Hase yeeshee Af-hayeenka Taliska ciidanka Al-Shabaab ayaa dhinacooda xaqiijiyey in xalay ay fashiliyeen weerar qorsheysan oo cutubyo ciidamo Shisheeye ah ay ku soo qaadeen degmada Aw-dheegle oo ka mid ah degmooyinka ay maamulaan ee Somalia.
Af-hayeenka ciidanka Al-shabaab Shaykh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay Idaacadda Islaamiga Andalus in ciidamo hubeysan oo watay laba diyaaradood oo Helicopter ah ay xalay soo weerareen degmada, balse ay ka war heleen oo ay dib u noqdeen iyagoo khasaaray oo aan gaadhin hadafkii weerarkooda.
wuxuu sheegay in ciidamada weerarka soo qaaday ay diyaaradaha soo dhigteen meel banaanka magaalada ah, ka dibna ay ciidamo lug ah u soo direen magaalada kuwaas oo sida uu sheegay usoo dhawaaday saldhigga degmada, kadibna riday dhowr xabo oo Bulaleydh ah.
“Markii ay buleydhka rideen ka dib, Ciidamadii mujaahidiinta ee joogay saldhigga ayaa xabad ku bilaabay cadowga, iyadoona halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo ugu dambeyntii cadowga ku qasbay inay ikaga cararaan goobta isagoo hoogay” sidaasi waxa yidhi, Abuu Muscab.
Saraalka u hadlay Al-shabaab, wuxuu sheegay in ugu yaraan muddo 30 daqiiqo ah uu socday dagaalka sida uu xaqiijiyay taliska Mujaahidiinta, isla markaana ay dib uga baxeen goobta iyagoo aan gaadhin ujeedadii weerarka sida uu sheegay, wuxuu xusay in ciidankooda taliska ku sugnaa ay gurmad heleen, taas oo sida uu sheegay sii xoojisay dagaalka, ka hor intii aan lagu khasbin ciidanka weerarka inay dib u laabtaan.
Af-hayeenka Milateriga Al-shabaab Abuu Muscab u dhasheen iyo waxay ka dileen, balse waxa uu xusay in markii dagaalku dhamaday ay halkaa ku arkeen dhiig, isagoo khasaaraha dhinacooda ku sheegay inuu ka shahiiday hal askari, balse aanu jirin dhaawac iyo dhimasho kasoo gaadhay weerarka lagu miray habeenimada ee deegaanka AwDheegle.
Ma jiro war madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac, iyadoo aanay cidna sheegan hawlgalka lagu miray Al-shabaab ee ay hoggaaminayeen Diyaaradaha Helikobtaro aan la garanayn cida leh, balse weerarkan ayaa kusoo beegmay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dawlada Maraykanku sheegtay weerar dhinaca Cirka ah oo ay xili habeen ah ka fuliyeen meel aan ka fogayn deegaanjaa ay ku dileen ugu yaraan 150 Al-shabaab ah, iyadoo saraakiisha Al-shabaab waxba kama jiraan ku tilmaantay sheegashada Maraykanka
Xarakada Al Shabaab waxay xaqiijisay in mid kamida ciidamada Mujaahidiinta uu ka shahiiday intii uu socday dagaalkii lala galay ciidamada shisheeye ee weerarka ku qaaday degmada Awdheegle.
January 2013 Ciidamada Kumaandoosta Faransiiska, waxay sidan oo kale goor habeen ah weerar ku qaadeen degmada Buula-Madheedh oo ku taal duleedka Marka, balse hawlgalkaa oo fashilmay, wuxuu sababay inay dhawr ka mid ahaa askarta weerarka qaaday ee Faransiiska iyo sarkaalkii la doonayay in lagu soo furto Mr. Denis Allex oo Al-shabaab u afduubnaa tan iyo 2009 ay ku waayaan.