Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo xubnaha siyaasiyiinta ka cadhooday xisbiga KULMIYE, ayaa isla qaatay heshiis hordhac ah oo ka soo baxay kulankoodii u horreeyey oo dhexmaray labada dhinac shalay.
Kulanka ay yeesheen xisbiga WADDANI iyo xubnaha la baxay Isbahaysiga KULMIYE oo ka qabsoomay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay, isla markaana albaabadu u xidhnaayeen, ayaa gunaanadkiisii la iskula qaatay heshiis ah in wadahadalku sii socdo, lana saaro guddiyo farsamo oo ka kala socda labada dhinac.
Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo saxaafadda la hadlay markii kulankoodu dhammaaday, ayaa caddeeyey inay si rasmi ah wadahadal ula fureen xubnaha ka cadhooday xisbiga KULMIYE.
“Waxa farxad noo ah in aannu xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayo hoggaankiisa guud iyo Isbahaysigu ay kulankoodii u horreeyey ku kulmeen, waxana labada dhinac isla qaateen inay si rasmi ah u bilaabeen wadahadalka, lana saaro guddi farsamo, iyadoo wixii intaas ka dambeeyey ay guddida farsamadu sii wadayso hawlaha haddii Ilaahay yidhaah, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa in wax u dan ah dalka iyo dadkaba, Somaliland-na mideeyaa ay ka soo baxaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Wasiirkii hore ee Caddaaladda Mr. Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay afka xubnaha la baxay Isbahaysiga KULMIYE, ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay kulankooda u horreeyey ee ay la yeesheen xisbiga WADDANI.
“Waxa aannu ku heshiinay in la bilaabo wadahadalka rasmiga ah oo loo saaro guddiyo farsamo, taasoo la fulin doono maalmaha soo socda haddii Ilaahay yidhaah, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa in wax khayr qaba oo dan u ah Somaliland ay ka soo baxaan wadahadalkayaga,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Kulankaas waxa xisbiga WADDANI uga qaybgalay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiye-ku-xigeenkiisa koowaad Axmed Muumin Seed, Xoghayaha Guud ee Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan WADDANI, halka kooxda ka cadhooday KULMIYE-na ay metelayeen wasiirradii hore ee Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Caddaaladda, Xuseen Axmed Caydiid, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir, Hawlaha Guud, Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee KULMIYE Md. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye-ku-xigeenka afraad ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Talyanle, wasiir-ku-xigeenno hore isaga casilay xukuumadda iyo shaqsiyaad kale.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347