Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)XukuumaddaSomaliland iyo Xisbigeeda KULMIYE, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dilka lagu fuliyey Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, kadib markii shalay lagu dilay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil oo qiyaastii 30km dhinaca bari ka xigta magaalada Berbera.
Xiisaad, ayaa ka dhalatay dilka Taliyaha, iyadoo qaabka dilkiisa lala xidhiidhiyay shirqool wax laga saarayo masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Xukuumadda iyo maamulka Berbera, waxaana dhacdadaa oo ahayd mid si weyn shacbiga Somaliland uga murugoodeen siyaabo kala duwan uga hadlay Madaxtooyadda Somaliland iyo Xisbeega KULMIYE, kuwaas oo qoraalo kala duwan, oo xanbaarsan fariimo kala duwan oo isugu jira Tacsi, Tilmaan, digniino iyo awaamiir kasoo saaray.
Qoraalka Madaxtooyadda, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ciidamada booliska, iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, oo maanta gacan ka xaqdarani ay ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil.
Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iyo ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga dabatago, sida ugu degdega badana sharciga loo horkeeno.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.’ ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka cusub ee Madaxtooyada JSL. Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)’
Hase yeeshee qoraalka hoggaanka Xisbiga KULMIYE, kasoo saaray dhacdadaa oo xanbaarsanaa weedho uu kaga digayo dhibaatada dhacdadaasi ku keeni karta amaanka iyo jiritaanka qaranimada Somaliland iyo dareenka shacbiga. isla markaana u muuqda mid ka duulaya oo fahamsan miisaanka dhacdaa ay ka hadlayeen oo ay ka muuqto xog -ogaalnimo iyo sida loo waajihi karo, waxaa lagu yidhi sidan:-
“Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa falka xaq-darrada ah ee lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Alle ha u naxariistee Marxuum Gaanshale Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo koox hubaysani ku toogatay deegaanka deegaanka Biyooley ee Gobolka Saaxil maanta (01/03/2016) waqti isaga iyo ciidammo uu hoggaaminayey shaqo qaran u socdeen.
Falkani waxa uu waxyeelo ku yahay nabadgalyada, dawladnimada iyo kala dambaynta sharciga ee dalka Somaliland. Sidaas darteed, waxa uu xisbiga KULMIYE ku talinayaa in gurmad degdeg ah laga galo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan-ku-dhiiglayaasha ka dambeeyey weerarkan foosha xun, si sharciga loo horkeeno ciddii gaysatay.
Ugu dambayntii, anigoo ku hadlaya afka Guddoomiyaha iyo hoggaanka KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ciidanka booliska iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo ay dishay gacan-ka-xaqdarani, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, qoyska iyo guud ahaan shacabkana samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…Aamiin….Aamiin.” ayaa lagu yidhi qoraalka Xisbiga KULMIYE kasoo saaray dhacdadaa oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo ku hadlayay Afka Guddoomiyaha Xisbiga.