Araweelo News Network
Washington(ANN)loolanka Murashaxiinta doonaya in ay madaxwaynenimada Maraykanka u tartamaan bisha November, isla markaana xisbigooda u matalaya ayaa wajahaya imtixaankii ugu waynaa ilaa iyo hadda kaddib marka ay dhacdo doorashooyinka hordhaca ah ee loo yaqaano talaadada wayn.
Labo iyo toban gobol ayaa cododka laga dhiiban doonaa waxaana loo codaynayaa murashaxiinta labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Repuplicanka, taas oo si weyn u iftiiminay guusha natiijada cida noqonaysa Madaxweynaha ka danbeeya Obama.
Tartanku waxaa uu ku dhereranyahay Massachusetts oo dhanka waqooyi ku taala ilaa Alaska oo waqooyi galbeed ah.
Codadka qaybihii hore laga dhiibtay Afar gobol ayaa muujinaya in siyaasiga cunsuriga ah ee Donald Trump uu hogaaminayo Republican-ka halka Hillary Clinton ay ka hogaaminayso xisbiga Dimuqraadiga.
Balse Senetar Ted Cruz ayaa u muuqda mid aanay u cuntami Karin in ninka sida weyn uga guulaystay ee Trump uu kaga guulaysto gobolka Texas maadaama ay tahay halka uu ka soo jeedo, Trump ayaa ka soo jeeda Massachusetts.
Clinton ayaa rajaynaysa in ay maalmaha fasaxa ah Sabtida iyo Axada ay guul ka soo hoyso Koonfurta Carolina, halkaas oo ay si wayn ugu codeeyeen dadka Madaw ee Maraykanka ah si ay uga soo kabato guul daradii ay kala kulantay New Hampshire oo ay guushu ka raacday Bernie Sanders oo ah siyaasiga tartanka adagi ka dhexeeyo ee ay isku xisbiga yihiin.
Si kastaba ha ahaatee marka la gaadho bisha November dadka Maraykanka ah waxay dooran doonaan qofkii badali lahaa Madaxwayne Brack Obama oo xisbiga dimuqraadiga ka soo jeeda, ayaa xilka banaynaya kaddib markii uu dhamaystay labadii xili ee dastuurku u ogolaa in uu madaxwayne ahaado, balse wuxuu xilka ka tagayaa iyada oo ay Xisbiga Republican-ku ka taliyaan labada aqal ee looga taliyo dalka Maraykanka, taas oo saamayn ku yeelan doonta natiijada doorashada.