Araweelo News Network
Hoggaanka sare KULMIYE oo xafiiska Murrashaxa xisbiga ku qaabilay weftigan oo ka kooban lix xubnood oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Mac-hadka EISA Mr. Denis Kadima iyo khubaro wehelinaysa, kuwaas oo ururka Midowga Yurub u soo wakiishay xogogaal u noqoshada iyo qiimayn ay ku sameeyaan xaaladaha iyo duruufaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee waqtigan ka socota dalka iyo doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada ee u qorshaysan horraanta sannadka dambe ee 2017-ka.
masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo xubnaha weftigu waxay ka wadahadleen habsami-u-socodka diiwaangelinta codbixiyayaasha ilaa hadda laga hirgeliyey Gobollada Togdheer iyo Awdal oo weli ay ka socoto, sidoo kalena waxay wax iska waydiiyeen hawlaha u diyaargarowga doorashooyinka iyo wixii caqabado ah ee hortaagan qabsoomidooda iyo weliba aragtida xisbiga ee doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbigu waxay weftiga siiyeen xog-warran ku saabsan hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka, iyagoo u sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ilaa hadda si fiican u socoto oo aanay jirin wax caqabad ah oo ka horyimi, isla markaana waxay carrabka ku adkeeyeen in Komishanka Doorashooyinku u baahan yahay in loo dedejiyo taageerada beesha caalamka si aanay hawlaha samaynta kaadhadhka codbixinta iyo dhammaystirka hirgelinta diiwaangelintu hakad uga galin.
Waxa kaloo madaxda KULMIYE u sheegeen weftigaasi inay xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba diyaar u yihiin doorashooyinka oo ay dhammaystireen wixii kaga beegnaa dhankooda, kuna kalsoonyihiin inay si ammaan ah u dhici doonaan, isla markaana isa-saarka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu yihiin wax hore Qaranku isula qaatay oo lagu mideeyey xeer, inkastoo laba doorasho oo hal mar la wadaqabtaa culayskooda leeyihiin oo ay ku cusub yihiin dalka iyo Guddiga Doorashooyinkaba.
Hasa yeeshee, xeerka doorashada Golaha Wakiillada aannu weli diyaar ahayn oo uu ku laalan yahay aqalka Baarlamanka, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la dedejiyo samaynta xeerkaasi.” sidaa waxa lagu ydhi qoraal kasoo baxa Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347