Araweelo News Network
“Waxay u muuqataa, tiradan uu Xasan Sheekh sheegayna ma aha kuwo si sax ah loo soo xigtay”
Afhayeenka Ciidanka Kenya

cidan kenyan ahIstanbul (ANN)- Dawlada Kenya, ayaa jawaab kulul ka bixisay dhawaaq kasoo yeedhay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu shalay shaaca ka qaaday in tiro u dhexeysa 180 illaa 200 askari lagu dilay weerarkii Al-shabaab ku qaadday saldhig ciidammada Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Ceel-cadde ee koonfurta Soomaaliya badhtamihii bishii January ee la soo dhaafay.
Dawladda Kenya ayaan illaa hadda sheegin tirada rasmiga ah ee ciidankooda lagaga dilay weerarkii saldhigga Ceel-cadde, halka Al-shabaab-na sheegteen inay weerarkaas ku dileen in ka badan 100 askari, 12 kalena nolosha ku qabteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida kula hadlay shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa markii ugu horreysay fashiliyey tirada ciidanka Kenya lagga dilay weerrarkaas oo uu ku sheegay inay gaadhayaan 200 askari.
“Weerarkii Ceel-cadde waxa Kenya lagaga dilay illaa 180 askari.

Hase ahaatee Afhayeenka Ciidanka Kenya Col. David Obonyo oo la warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi, ayaa deedafeeyey tirada Madaxweynaha Soomaaliya sheegay in ciidankooda lagaga dilay weerarkii Ceel-cadde, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sax ahayn.

“Weli annagu kama aanaan hadal tirada khasaaraha ciidankayaga loogu geystay weerarkii Al-shabaab ku qaadday saldhigga ciidammadeennu ku sugnaayeen ee Ceel-cadde, waayo cidna ma ogaan karto khasaaraha dhabta ah ee weerarkaas ka dashay, dhibaatooyin ay geysteen kooxo kalena aniguba ma sheegi karo,” ayuu yidhi Col.Obonyo.
Waxa uu intaa ku daray, “Waxay u muuqataa inuu Madaxweynaha Soomaaliya u hadlayo ururka Al-shabaab, tiradan uu Xasan Sheekh sheegayna ma aha kuwo si sax ah loo soo xigtay.” Col.Obonyo.
oo ah sarkaalka u hadlay Milateriga Kenya.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347