Araweelo News Network
Dilla- Boorama(ANN)Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa jawaab ficil ah ka bixiyay dhawaaqyada Abaarta ka taagan dalka ee ku habsatay deegaano badan oo Somalilandd. kadib markii maanta uu deeq raashin ah ah oo isagu jirta Bariis, Daqiiq, Sonkor iyo Saliid gaadhsiiyey 500 oo qoys oo danyar ah oo ku nool degmada Dilla ee gobalka Awdal kuwaas oo muddooyinkii dambe ay si xoogga u saamaysay abaarahii ka jiray deegaanada Galbeedka Somaliland.Guddoonsiintii deeqdan raashinka ah oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI , Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, mas’uuliyiinta heer degmo ee xisbiga WADDANI, odeyada, wax-garadka, madaxdhaqameedka iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Dilla ee gobalka Awdal.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ugu horeyn guddoonsiintii deeqda ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan aad ugu faraxsan yihiin in ay deeqdan raashinka ah soo gaadhsiiyaan dadka danyarta ah ee ay saameeyeen abaarahu, waxaana uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay mar walba dadka danyarta ah la barbar istaagaan wixii karaankooda ah.
“Farxad weyn ayey noo tahay in aanu maanta deeqdan gaadhsiino dadkan danyarta ah oo runtii ah dad aad u tabaalaysan oo ay saameeyeen abaarahu, annagu xisbi mucaarad ah ayaanu nahay dhaqaale badan oo aanu wax ku bixino ma hayno, se hadana wixii karaankayaga ah ee aanu hayno marnaba ka hagran mayno dadkan jilicda san, waxaana aad naga guddoontaan deeqdan raashinka ah”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)
Qaar ka mid ah odeyada, wax-garadka iyo dadka danyarta ee deeqdan la gaadhsiiyey oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa xisbiga WADDANI, gaar ahaan guddoomiyaha xisbigaas iyo mas’uuliyiinta kaleba uga mahad-celiyey deeqdan raashinka ah, waxaana ay carabka ku dhufteen in xisbiga WADDANI uu ku soo beegay bixinta deeqdan wakhti ay si xoogga u saamaysay abaaro iyo biyo la’aan ka taagan deegannadaasi oo ay baahi u qabeen cid soo caawisa.
“Aad iyo aad ayaanu dhammaantayo xisbiga WADDANI, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Md.Cabdiraxmaan Cirro aanu uga mahad-celinaynaa deeqdan raashinka ah ee ay nasoo gaadhsiiyeen, waanu ka guddoonay, waanu ka guddoonay, xisbiga WADDANI waxa uu deeqdan nooggu soo beegay wakhti aanu aad baahi ugu qabnay oo ay abaaro xooggi na hayee, Illaahayna waxa aanu xisbiga WADDANI iyo madaxdiisaba uga baryeynaa in uu muraadkooda siiyo.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid a dadkii halkaas raashinka looggu qeybiyey.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347