Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)Kooxda Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u sheegtay masuuliyaddii qaraxii lala beegsaday diyaarad rakaab ay leedahay shirkadda Daallo Airlines oo ka duushay Madaarka magaalada Muqdisho, 2 Februar 2016.
Bayaan ku qornaa afka Ingiriiska oo Al-shabaab soo saartay shalay, ayaa lagu sheegay inay qaraxaas si gaar ah ugu beegsanayeen xubno ay ku tilmaameen inay u shaqeeyaan sirdoonka reer galbeedka iyo ciidammada dalka Turkiga ee NATO ka tirsan oo diyaaradda la socday.
“Annagoo ka hortagayna dhibaatooyinka sirdoonka dalalka reer galbeedku ku hayaan Muslimiinta ayey Al-shabaab fulisay weerarka diiyaaraddii Daallo, taasoo ay la socdeen xubno u shaqeeya sirdoonka dalalka reer galbeedka, sidaas awgeed wuxuu ahaa mid aan ku beegsanaynay hay’adaha sirdoonka gaalada ee dhulka Muslimiinta ku sugan,” ayaa lagu yidhi bayaanka Al-shabaab.
Sidoo kale, waxa bayaanka lagu sheegay in weerarkii diyaaraddaasi dhacay xilli ay hay’adaha sirdoonka dalalka reer galbeedku ku soo kordhayaan magaalada Muqdisho, si ay uga fulinayaan hawlgallo ka dhan ah Muslimiinta Soomaaliya, gaar ahaan dagaalyahannada Al-shabaab.
“Kooxaha sirdoonka reer galbeedku waxay ku lug leeyihiin hawlgallada ka dhanka ah Muslimiinta, iyagoo gacan ka siiya Hay’adda CIA-da ee Mareykanka duqeynta ay ka geysanayaan qaybo ka mid ah Soomaaliya, kuwaasoo lagu laayey boqollaal Muslimiin aan waxba galabsan.”
Waxay kaloo Al-shabaab bayaankooda ku sheegeen in aanay weerarkaas ku soo ridin diyaaradda, balse ay argagax iyo cabsi ku geliyeen waxay ugu yeedheen gaalada. “Inkastoo ammaanka Madaarka Muqdisho si aad ah loo xoojiyey, haddana way awoodi waayeen inay ka hortagaan hawlgallada mujaahidiinta oo markasta iman kara.”
“Al-shabaab waxay awood u leedahay inay meel walba ku ugaadhsato sirdoonka u shaqeeya reer galbeedka, sidoo kalena beegsan karaan waqtigii ay doonaan, guushuna waxay ku jirtaa gacanta Eebbe, Weynaha aan keligiis rumeysan nahay,” ayey Al-shabaab ku yidhaahdeen bayaankooda.
Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan ugaadhsiga cadowgooda, “Waxaannu si gaar ah diiradda u saaraynaa sirdoonka dalalka reer galbeedka ee Soomaaliya ka hawlgala, waxaanan u adeegaynaa sidii Muslimiinta Soomaaliya ugu noolaan lahaayeen amni iyo deggenaasho.”
Qaraxii lala beegsaday diyaaradda rakaabka ka qaadday Madaarka Muqdisho waxa ku dhintay hal qof oo la rumaysan yahay inuu ahaa kii qaraxa sameeyay, iyadoo la badbaadiyay 74 qof oo saarnaa diyaaradda marka laga reebo Cabdullaahi Cabdisalaan Boodhle oo lala xidhiidhiyay inuu ahaa ninkii fuliyay qaraxa.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com